Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya oo xafiiskiisa ku qaabilay wafti heer sare ah

 


Nairobi , Kenya (TNN)-Wafti aad u heer sareeya oo ka yimid dalka Denmark oo baryahanba  booqa sho rasmi ah ku joogay dalka Kenya taasoo ay ugu kuur galayaan , daraasadna ka diyaarinayaan sidii ay xog buuxda uga heli lahaayeen dalalka Africa ee ay ka taageeraan dhanka horumarinta iyo amniga, sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Somaliland ee dalka  Kii niya qoraalkaasi oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakada qaran news, ayaa isga oo  dhama ystirana waxa uu u dhignaa sida hoos ku xusan


Waftigan oo ka kooban toban Xubnood uuna hogaaminayo ku xigeenka uqeybsanaha dalka  Denm ark dhanka deeqaha ay qaarada Africa siiyaan Mr.Avders Fribolo

Ayaa shir balaadhan maanta kula yeeshay xafiiska Somaliland ay ku leedahay dalkan Kenya  gudo omiyaha baarlamaanka Somaliland mudane Abdirahman Abdilahi Ciro iyo wasiir ku xigeenka  waxb arashada Somaliland mudane Ali Hamud Jibril oo ay weheliyaan Safiirka Somaliland ee Kenya  Muda ne Mohamed Ahmed Nur (Indhabur) oo metelayay wasaarada arimaha dibada iyo ku xigeenkiisa Abdirizak Ahmed Karaani.


Xubnaha waftigan tobanka qof ka kooban ayaa ka kala socday wasaaradaha cadaalada,  gaashaa ndhiga, arimaha gudaha iyo arimaha dibada ee dawlada Denmark. Shirkan ayaa lagaga wada had lay arimaha ay kamidka yihiin:


1.Arimaha budhcad badeedka
2.Adkaynta nabad galyada Somaliland
3.Kor uqaadida mashaariicda horumarineed ee dawlada Denmark kawada dalka Somaliland


Waxa ugu horayn waftiga kusoo dhaweeyay Xafiiska Somaliland ugana mahad celiyay  imaatinkoo da Safiirka Somaliland ee Kenya mudane Mohamed Ahmed Indhabur, kadib waxaa halkaas hadal mahad naq ah kazoo jeediyay madaxa waftiga Denmark Mr.Avders oo aad ugu amaanay  Somalil and dimuqraadiyada iyo nabad galyada ay samaysay, wuxuu sidoo kale faahfaahin kabixiyay  socd aalkooda ay ku yimaadeen dalka Kenya oo ay xuran tahay deeq bixiyeyaasha ka hawlgala bari ga iyo badhtamaha Afrika. Wuxuu sheegay in u yimaadeen sidii ay qiimeyn iyo rayi uruurin u samayn lahaayeen maadaama ayuu yidhi ay balaadhinayaan mashaariicdii horumarineed ee ay ka wadeen dalal badan oo Afrika ah, isagoo si gaara u xusay in ay Somaliland aad u danaynayaan in ay ka taageeraan dhanka horumarinta iyo waliba aminiga gaar ahaan ciidamada ilaalada xeebaha oo u sheegay in ay wada shaqayn toos ah la samaynayaan , booqanayaana dhawaan.


Waxaa hadalka qaatay oo aad usoo dhaweeyay waftiga gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland oo isagu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay taariikhda Jamhuuriyada Somaliland iyo xidhiidhka labada dale e Denmark iyo Somaliland halkaasna ugu soo bandhigay baahiyaha Somaliland ee dhanka horu marka.


Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay wasiirku xigeenka waxbarashada Somaliland oo sii adkeeyay hadalkii gudoomiyaha kana codsaday dawlada Denmark inay sii laban laabaan mashaariicda  horu marineed ee ka fuliyaan Somaliland.


Shirkaas ayaa kuso gebogeboobay is afgarad iyo guul , waxaanay waftigu xubno kamid ahi balan qaadeen inay booqanayaan Somaliland si ay u helaan sawirka dhabta ah iyo waliba mashaariicda u bahaan in laga bilaabo.

 

 

ALLAA MAHADLEH



Xafiiska Somaliland ee Kenya
Somalilandliason.kenya@gmail.com