WANKA SAYLADA JOOGA

 


 

Waxaa beryahamba hadal haynta dhinac siyaasadu u badanayd oo dalka gudihiisa iyo dibadaba shacabka Jamhuuriyada Somaliland ay aad uga faaloonayeen Khilaafka ba,an ee soo waajahay Xisbiga UCID. Is maan dhaafkaas siyaasadeed ee Xisbiga Ragaadiyay waxay dad badani u food saarayaan Gudoomiyaha xisbiga Uicd Eng Faysal Cali Waraabe. Halka dar kalen ay ku doodayaan ama ay dusha u saarayaan Musharax jagada Madax weynenimada i Jamal cali XuseenMusharax ku xigeenka madaxweynaha inkastoo uu haanta iska casilay xilkaas iyo xubinnimadii Xisbigaba X useen Xasan Mataan. labada dhinacba eeda waa loo tirinayaa haloo kala badnaadeed. Hase ye eshee markayanu u kuur galo hadalada warbaahinta ay isku marinayaan labad dhinac waxaa bi yo kama dhibcaan ah in Eng Faysal uu yahay odayga Xisbiga muddo dheerna la soo kacaa kufay Xisbiga Uicd, loogaama fadhiyin in uu waqtigan soo if baxo Muran siyaasdeed oo ku lug leh Mush arxnimada Madaxweynaha iyo ku xigeenka maadaam uu xisbigu hore ugu Ansixiyay shirkiisii gol aha dhex labad musharaxba

Waxaa kaloo lays weydiinayaa qiimaynta uu sheegay Faysal haddii uu qawaday labad musharax qaabka uu Xisbiga Uicd u bedeli karo go'aankii shirweynaha xisbiga ee laysku raacay musharxni mada Jamaal iyo Xuseen Xasan Mataan.


Hadan eegno dhanka labada Musharax waxa loo arkaa in ay la jaan qaadi kari waayeen Gudoom iye Faysal halkaasna ay ka dhalatay gaabis ku yimid dar dar gelintii kobcinta Xisbiga Ucid Arinta asina ay faysal siisay fursada ama meel uu weerair karo si uu gacantiisa ugu soo celiyo Xisbiga.

 

 


Sikastaba ha ahaatee waxay xaaladani ku keenaysaa Xisbiga inuu ku guul daraysto hanashada Taageerayaal badan isla markaasana Xisbiga Awoodiisu ay wiiqanto.

Gudoomiye ku Xigeenka Xisbiga Ucid Mujahid Cali Guray oo laga filayay dhex dhexaadinta madax da Xisbiga ayaan door weyn ka qaadan xal u helida golaha sare ee uu odayga u yahay waxaan u sheegay haddii loo maaro waayo Xurgufta kala fogaysa labad musharax iyo gudoomiyaha inu u u diga rogon doono Xisbiga Waddani.

Ugu Dambeyntii waxay shacabka Jamhuuriyada Somaliland oo aad uga calool weyndsan in mar labaad uu Faysal seefta la dhex qaado xisbiga Ucid kan war qaba wixii soo kala qabsaday Faysal Cali Waraabe iyo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro waagii ay ku wada jireen Xis biga Ucid, iyo weliba dhabar jabkii ku dhacay Faysal iyo guud ahaanba Xisbiga Ucid ka dib markii ay dhamaan golihii dhexe Golihii Fulinta,Xildhibaanadii iyo madaxdii Xisbiga Ucid ay la safteen Ca bdiraxmaan ciro halkaasna uu ka dhashay Xisbiga waddani ee uu maanta Ciro gudoomiyaha u y ahay.

Faysal waxaa loo soo qaataa gabaygii kala gooye Tuduc ku jiray oo Odhanaya(MAGALIGAAD AF AYSAA KU GOYON MURUQ FASALOWE)
 

 

 

 

Mataan M. Omar
Sheffield , UK