Waqfiga iyo Gurmadku, Xuduud ma laha, gaalo iyo Islaam ma leh, waa Aadaminimo. Tan Somaliland u fidisay Buntland, waa Lilaahi
.......
Hamud Duale
 


Siday diintu nagu tidhi. Isku naxa oo isku naxariista, waa cibaado. Gurmadka Somaliland u fidinaysaa buntland, waa istaqfuralaysi, waa samafal, waa axsaan fal, waa ayaanba ayaan. Maalinba qaar bay taftoodu qaawan tahay geeska Afrika eh, waa wajib qaran in la iska taageeraa. Waa Ilaahay hortii iyo daacadnimo, in waxyeelada duufaanka, laga damqadaa, oo Buntland loo gurmadaa. Qofkasta iyo maamulada gobolka, waa wajib, in ay ka qayb qaataan.

Kaalmada Somaliland u fidinaysaa, buntland, ma aha siyaasad. Waa lilaahi. Waa gobonimo. Waa dawladnimo. Waa dadnimo, waa Islaamnimo. Waa waqfi. Waa sadaqo. Xiitaa haddaanay, sidaa ka ahayn, anigu talaabadaa dawladu ku dhawaaqday, waan soo dhaweenayaa.

Maxaayeelay, aafada Buntland, waa aafada Somaliland. Aafada Somaliland waa aafada Buntland, iyo dhammaan geeska Afrika. In la iska kaashadaa dhibaatooyinka dabiiciga ah, waa lagama maarmaan.

Jidka Ceergaabo ee loo ballansan yahay, Sabtida 16ka bishan, Somaliland waa u dan, buntlandna waa u dan, oo cid walba waa u dan. Qaybtooda, ayay ka qaadanayaan, haatan, markay ka soo kabtaan dhibaatadan dabiiciga ahna, ayagaa isku xidhi jidka Tabca iyo ceergaabo. Waar ayaan la isku daymo la’aan, oo ha loo arko, taageerada, qayb ka mid ah iskaashiga caalamiga ee kala wada madax banaan ee isku gurmada.

Waqfiga iyo gargaarku Xuduud ma laha. Maamulada kala gaarka ee Geeska Afrika haatan ka dhisaalan, ayaan nacab loo arkin, ha loo arko, nasteexo. Dan iyo waqtigu keenay. Alla inna baday. laga maarmi waayey, oo nabada lagu xasilinayo.

Waa in haddii la moodi waayey, la muusaa. Waa in haddii dayax la waayo, xidigaha lagu gudaa. Waa in maamulada jira iyo dadweynahaba laga talaalaa, xanuunka qoor gooyaha(Lake of leadership), qabyaalada, musuqmaasuqa, qaraaba kiilka, cadaalada darada, culimada dafaarka ah, habka qaybi oo xukun. Xidha, xakameeya, xasarad, xaalad abuur, suldaan siyaasi ka dhex hadlayo, Suldaan doog dhabanaya. Intaas oo cudur iyo qaar kale oo badan, ha loo raadiyo, daawo. Ayaan lagu mashquulin dawlad sal ballaadhan. Ha lagu mashquulo, maamulada sinnaha yar, in la toosiyo oo madasha Wada tashiga iyo toosinta ee Somaliland laga shiidaal qaato. Waa in gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinkuba, madalo yeeshaan, aan xildoon ahayn, xusbi ahayn ee xarago doon iyo oo aaminsan in la helo qaran dhaama kii dumey.