Waqtigii Qiimaha Lahaa Waxaa Lagu Lumiyay
Yooyootan
23kii October, 1969 khubaddii ugu horaysay ee Siyaad
Bare dadka Somalida u jeediyay wa xaa uu yidhi “Waxaan
kacaanka u dhalinay ee dawladda ula wareegnay “Suurtogal
ma ah ayn in la iska indho tiro xumaantii dalka taallay
sida: Musuq maasuqa, Laaluushka, Qaraa bakiilka,
Tuugaysiga Xoolaha dawladda, Cadaalad Darrida, Xurmo
Darrida Diinta iyo Qawaa niinta””
Siyaad Bare wuxuu yidhi “Waxaan doonayaa dastuurka in la
ilaaliyo, waxaa n ba abi’in doona Laaluush, Qaraabakiil
iyo Qabyaalad. Waxaan la dagaallami doonnaa nooc kasta
oo gumeysi ah iyo kuwa u adeega. Waxaan dhisi doonnaa
Qawmiyad Soomaaliyeed oo xoog leh, midaysan, nabaddna
kuwada nool. Haddii loo baahdo xoogga aanu hayno oo dhan
ayaan u isticmaali doonnaa, si aynu u xoojino Diinta
Islaamka oo lagu ciyaaray. Wax aan doonaynaa in aan
Soomaaliya ka dhigno wadan sharaf leh. Waxaan dadka
Soomaa lida u horseedaynaa barwaaqada dhulka ku aasan in
ay kala soo baxaan, iskana daayaan baryada Ummadahakale.”
Waxaa waqtigaas laga jooggaa 44 sano wixii uu yidhi oo
dhan wax ka qabsoomay ma jir aan Somali meesha ay kala
joogtana maanta idiin sheegi mayo oo waad ogtihiin. Hase
yeeshee, Somaliland intii ay jirtay oo ahayd 22 sano
mahayso wax sidaas u wayn oo lagu faano sababtoo ah
waxay madaxdeedu dayaceen waqtigii qiimaha lahaa ee ay
wadanka wax ka badeli lahaayeen. Waxaynu aragnaa maalin
walba in ay yooyootamayaan oo warar aan fiicanayn hawada
isu marinayaan. Maaha in ay waqtiga ku lumiyaan in ay
iyagu isu fiirsadaan oo is colaadiyaan. Waxaad halkaas
ka arkaysaa in xidhiidh fiican iyo is qadarini ka
dhaxaynin. Waa in aynu ku amaanaa qof waliba wixii uu
soo qabtay oo iska daynaa aflagaadada iyo carabka
dalabta leh.
Maadaama aanaynu lahayn wadan iyo dawlad addunka lag
ictiraafsan yahay waa waajib ah in la wada tashado oo la
is dhagaysto si aan ummad nool u noqono. Waxaan been
ahayn in cadawga dalka iyo dadku samaynayaan wax kasta
oo u suurto galinaya in dadku isnacaan.
Waxaan qabaa in ay dawladda maanta jirtaa keligeed
masuul ka ahayn dhibaa tooyinka dhacaya ee ay ka midka
tahay soo noolaynta qabiilka, musuqa iyo eexdu
arri nt anise waa dagaal cad oo ka mid ah ah dagaaladaa
addunka ka dhacaya sidaas darted, waxaa dhamaantiin
idinku waajib ah in aad is badbaadisaan. Waa in aanad
sidii Gorayada madax ciidda dhulka galin ee la socotaa
waxaa ka socda meel kasta. Aniga oo aan jeclayn in aan
halkan ku soo qoro warar badan oo aan akhriyay ama
dhagaystay waxaanse u sheegayaa dadka reer Somaliland
meel kasta oo ay joogaan in maanta dadkeenii ay Seef aan
nixin dul saran tahay.
Iyada oo weliba aynu ku jirno bil Ramadaan ah waxay
ahayd in madaxweynuhu uu afur u sameeyo dhamaan guddida
is magacawday iyo ciddii kale ee siyaasiin ah ee mar uun
xur guf soo kala dhex gashay dawladda si shafka la isu
saaro oo la isu dhagaysto. Arrintana waxay ku dhici
kartaa oo kaliya haddii uu madaxweynuhu ilaahay ka
baqayo oo uu ogyah ay in uu berito la kulmayo ilaahay si
aanay u jirin dad wax ka tabanayaa haddii uu maanta
dhinto geeridu waa mid maalin walba ina dultaal oo ina
wada sugaysa. Si dadkiisa uu uga tago dhaxal ah dulqaad
iyo samir, waa in uu had iyo jeer noqda qof wax kasta oo
laga sheego u dul qaata maadaama uu isagu uu Hoggaamiye
ka yahay dalka.
Nabadgelyo xumida, faqriga, gaajada, jahliga,
Caafimaad darada, samir yarida, khilaafka badan
dhamaantood waxaa keena hoggaamin xumo. Mana aha
dawladda oo kaliya waxa hoggaaminta fiican u baahan,
masaajiddada, dugsiyada, madaarista Quraanka, hayadd aha
samafalka iyo reeraha is qaba laftoodu waxay u baahan
yihiin hogaamiye fiican.
Hoggaamiyaha waa hage, waa badbaadshe, waa ballaadhse,waa bidhaanshe, waa iskutole,waa bulsho isjecleeye.
Hoggaamintuna waa masuuliyad, waa ammaano, waa culays,waa xidhiidh fiican oo dhex mara hoggaamiyaha iyo la
hoggaamiyaha waa arrin lays kala xisaabtami doono
aakhiro iyo addunkaba. Masuuliyaddanu waa mid hortaala
dadka maanta wadanka xukuma iyo kuwa soo socdaba.
Sida aan taariikhda ku hayno dadkii meel kuwada noolba
waxay maraan marxalado kala duwan ama isbedel midba heer
joogay. “Daarro burburay in la dhisaa waa fududahay
ummad burburtay in la dhisaa ma fududa mana hawl yara.”
Si dadka looga saaro dhibaatooyinka dhaqan dhaqaale ee
haysta waa in ay dadka hogaanka u hayaa inta ay ilaahay
ka baqaan dadka u sameeyaan cadaalad si dadka uga baxaan
faqriga oo hor ugu maraan dalka iyo dadkuba waxaa loo
baahan yahay in dalku helo hogaamin fiican oo ku dhisan
cadaalad.
Wadanku wuxuu u baahan yahay in dib loo eego ilaha
dhaqaaluhu ka soo baxaan ta ugu wayn oo ah cashuurta oou baahan in si siman dadka looga qaado ha u badnaato
dadka xoolaha haysta ama tijaaradda ku jira. Dadka
maanta nasiibka u helay in ay maamulaan wadanka Waa in
ay isugu tagaan sidii looga faa’iidaysan lahaa
dabeecadda iyo hantida ku jirta dhulka iyo baddaba.
Waxaa laynagu mashquuliyay oo waqtigeenii fiicnaa ee aan
wax ku qabsan lahayn inanga lumay wax la yidhaahdo
ictiraaf raadis, doorasho iyo khilaaf taas oo faa’iido
dadka ugu jirin laguna habsaamay inoona keenta is qab
qabsi badan halkii lagu mashquuli lahaa wada tashi si
looga adkaado cadawgeena oo ah gaajo, cadaalad daro,
jahli iyo is aaminid la’aan. Si aad u ba’an ayaa dadkii
loogu kala qaybiyay taas oo salka ku haysa in aan wax
horum ar ah aanay dadku gaadhin, una noolaan sida dadku u
nool yihiin.
Waxaan in badan aan la soo taagnaa in aan lacag iyo waqti inoogaga lumin ictiraaf iyo wixii la xidhiidha oo
lacagta la galiyo horumarka dalka. Waa in madaxda dalku
kala saaraan marka ay fasax tagayaan ama ay xanuun
dibedda ugu baxayaan ama ay danahooda ga arka ah u
socdaan si aanay uga dhigin in ay shaqo dadka u soo
qabanayaan. Waayo wax aa muhiim ah in laysa xisaabtamo.
Waxaan ku talin lahaa in ay dadka wax maamulayaa waxbadan iska badalaan oo dejiyaan arrimaha si ay isu
bedesho xalaaladda siyaasadeed iyo ganacsi si cadaalad
ku jirtona loo simo dadka, taasi waxay horseedi
barwaaqo, nabad iyo horumar xag kastaba ah.
Waxaa jirta in arrinta hoggaamintu xanuun badan ay dadka
ku hayso, waxaana loo baah an yahay in wadanka iyo dadka
laga daayo hagardaamada laysku jiid jiidanayo anaa
xukumaya iyo aniga ayay markaygii tahay. Waxaa layska
ilaaway in ay jirto irsaaqad aan ahayn mid maamul lagu
helo.
Waxaa maanta aan ku guubaabin lahaa in dadka wadanka
diiradda u haya ee shidhka ku jiraa aanay samaysan
cadaawad dadkana dhex dhigin colaad ee ay dadka
mideeyaan oo u yeedhaan dadka wax la qaban kara si ay u
helaan sirtii wadanka lagu hor marin lahaa iya doo dadka
uwada dhan yahay. Wadanka wuu inaga wada dhexeeyaa oo
wanaagiisa iyo xumaantiisuba waa wax inoo wada taal.
waxaa ku talin lahaa waa in la is jeclaadaa oo laga
gudbaa is qab qabsigan dhameeyay wakhtigii qaaliga ahaa
ee dadka wax loogu qaban lahaa.
Waxaan ognahay in qof waliba uu dadaalayo oo waxba iska
xistiyayn laakiin waxaan u ba ahan nahay in muddadiiba
sida 23sanoba mar lawada fadhiisto oo dib u eegno
wixii inaga xumaaday iyo wixii inoo hirgalay wixii aan
qabsoomin iyo sababaha keenay in ay sidii loogu tala
galay u qabsoomi waayeen. Tusaale haddii aan u soo
qaato wershedda sibadhka ee Berbera haddii ay dhaqaaqdo
waxay ahaan lahayd dhaqaale wadanka u soo kordhay wall ow
aan aniga shaxsiyan ka soo horjeeday si loo wajahay
waayo dawladda maanta iyo tii horeba way ku qaldanaayeen
in ay bixiyaan hantida dadka u dhex ah, waxayse ahayd in
ay dawladdu yeelato qaybta badan oo u magacawdo dad isku
jira oo maamula si dadku shaqo u helaan, dadka lacagta
ku darsadayna faa’iido u helaan dawladduna cashuur ay
wadanka ku hor mariso uga hesho. Waa qalad wayn oo
wadanka laga galay haddii dad la siiyo. Dadka ay
arrintanu khusaysaa ee go’aankeeda leh waa in aanay
wadan dhaxal wareejin oo mar kasta dawladdu gacanta ku
haysaa hantida wadanka.
Mahadsanid
La soco Qaybta 2aad
Caydiid Axmed Jaamac (Indha Warranle)
Melbourne
Australia
|