KU: Dhamaan Saxaafada Somaliland



Ujeedo: Warsaxafadeed (Press Release)



Anigoo tixraacaya maqaal ku soo baxay wargeyska Waaheen maalintii Khamiistii hore ee taa riikhdu ahayd 11/08/2011, cinwaankiisuna ahaa “Komishanka AID-ka oo fasaxay Kondhamka iyo Itoobiya oo dhinaca Somaliland u soo mustaafurisay dad fidinaya HIV/AIDS,” isla markaa na wax ka sheegay culimada shafarta leh ee Somaliland.

Ugu horreyn, waxaan ka raalligelinaya dadweynaha, culimaa’udiinka iyo cid kastoo ka xumaa tay maqaalka ku soo baxay wargeyska WAAHEEN oo ahaa hadal la dhalan-rogay, kana fog xaqiiqda dhabta ah.

Komishanka xakamaynta AIDS-ka ee dawladda Itoobiya iyo dawladaha kale ee aannu jaarka nahayba waxa naga dhexeeya xidhiidh wanaagsan oo ku saabsan dawaynta iyo ka hortagga HIV/AIDS-ka, taas oo aannu ka wada shaqayno xuduudaha aynu wadaagno dawladaha jaar ka, sidaa darteed ma jirto cid cudurka qabta loo soo mustaafuriyey dalkeenna.

Culimada Somaliland iyo komishanka xakamaynta HIV/AIDs-ka waxaa ka dhaxeeya wada sha qayn iyo xidhiidh wanaagsan, taas oo culimaa’udiinkeena aan looga maarmayn kaalintooda wacyigelineed ee bulshada Somaliland.

Wargeyska Waaheen iyo dhammaan saxaafadda Somaliland waxaan kula talinaynaa inay ka qaybqataan barnaamijyada wacyigelineed ee ku saabsan hakinta cudurka HIV/AIDS-ka ee waxtarka u leh bulshada reer Somaliland.


 


Alla Mahad leh



Maxamed Dahir Kaire

Agaasimaha Fulinta

Komishanka Qaranka ee Xakamynta AIDS-ka