Dagaal Goordhawayd Ka Dhacay Deegaanka Buuhoodle Una Dhaxeeya Ciidamada Qaranka Iyo Maleeshiyaad taabacsan Maamulka Khaatumo Seeg
 

 


Dagaalkan ayaa la sheegay in uu ka dhacay goordhawayd.....


Hargeysa (TNN)-Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Qaranka iyo Maleeshiyada taabacsan Maamul ku sheegay Khaatumo seeg ayaa goordhawayd ka dhacay Deegaanka Buuhoodle.

Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa la sheegay in ay hore ugu ruqaansadeen Deegaanka Buu hoodle ka dib markii dagaal halkaasi ka dhacay goor dhawayd.

Dagaalkan oo aan laga helin faahfaahin badan ayaa wararka ka soo baxayaa sheegayaan in uu ka dambeeyey ka dib markii uu Deegaanka Buuhoodle ku tagay safar aan hore loo shaacin Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ah Masuuliyiintii Deegaamadaasi kaga dhawaaqay Maamul Gobol eedka.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu ka dhacay Deegaamada Suulo joogto iyo Khangale, lamana oga ilaa hada khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.


Wixii warar ah ee ka soo kordha wakhtiyada dambe ayaanu idiin soo gudbin doonaa Insha Alla h


 



Sacad M. Cabdi
Timacade News Desk