War Deg Dega: Ciidanka Booliska Gabiley Oo Caawa Xabsiga U Taxaabay Oday Caan Ka Ahaa Magaalada Gabiley

 

 



Oday Cumar Barkhad Bulaale iyo shan 5 oday oo kale ayaa caawa laga soo qab qabtay guryahooda oo ku yaala magaalada Gabiley....
 

Gabiley (TNN) – Ciidanka Booliska magaalada Gabiley, ayaa Xabsiga u taxaabay oday caan ka ahaa Gobolka Gabiley ,oo layidhaahdo Cumar Barkhad Bulaale (Cumar Gudbane), odayg an oo dhawaan ku dhawaacmay shil gaadhi.

Oday Cumar Barkhad Bulaale iyo shan 5 oday oo kale ,ayaa caawa laga soo qab qabtay g uryahooda oo ku yaala magaalada Gabiley, ka diba waxa loo soo dhaadhiciyay Saldhiga B ooliska ee Iftin magaalada Hargeysa.

Ilaa hadda lama oga sababta loo soo qabqabtay odayaashan reer Gabiley, laakin goob joo ge ku sugnaa magaalada Gabiley, ayaa saxaafada u xaqiijiyay inuu arkayay laba gaadhi o o ciidan ah , in ay guryahooda kala soo baxeen odayaashan.

Baryahan danbe waxaa soo badanayay qab qabashada Siyaasiyiinta iyo Madax dhaqeem dka Gobolka Gabiley, oo ilaa 20 ka mida Xabsiyada loo taxaabay.

 



Timacade News Desk