War Saxaafadeed: Dacwadii TV Universal iyo go'aanka laga gaadhay
West London Somaliland Community

 

War Saxaafadeed



Summad: WLSC002/07/2010



Taariikh: 07/07/2010



Dacwadii Universal TV iyo go’aankii laga gaadhay



Ka dib dareenkii midaysnaa ee xoogana ee ay ummadda reer Somaliland ka qaateen  bar maamujkii ka baxay TV Universal bishii June 30-keedii, wuxu urur jaaliyadeedka West  Lon don Somaliland Community soo saaray bishan July 2-deedii war saxaafadeed uu arintaa ku cambaaraynayo kagana dalbanayay TV-gaas innuu masuuliyada khaladkan dhacay  du sha u rito oo uu talaabooyin ad-adag ka qaado. Waxa kaloo ururku war saxaafadeedkaas ku hoga tusaaleeyay ummadda reer Somaliland in khaladka saxaafada reer Somalia amma kuwa ay maamulaan ka galaan qaranka Somaliland aanu ku koobnayn barmaamujkii  habe enkaas baxay ee dareenka cadhada leh dhaliyay ee ay si joogto ah oo runtii dadka  bada nkiisu dareemin ay madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland u xaqiraan.



Hadaba habeenkii xalay ahaa ee taariikdu ahayd July 6-deedii waxa xarunta TV-ga  Unve rsal ee Bariga magaalada London iskugu yimid xubno ka tirsan jaaliyada reer Somaliland ee dagan magaalada London, una badnaa odoyo, si ay arinkan xal kama dambayn ah  loo ga gaadho. Kulanka aanu la yeelanay mulkiilaha TV-ga Universal ka hor waxay xubnihi  re er Somaliland ee kulankaas kasoo qayb galay isku arkeen shir kooban oo ay kasii wada hadleen wixi la hor dhiggi lahaa maamulka TV-ga iyo qaabka loo gudbinayo. Waxa xusid mudan in badi xubnihii kulankaas kasoo qayb galay ay isku aragti ka ahaayeen 2-da qod ob ee kala ahaa in wariyihii masuulka ka ahaa shaqada laga eryo iyo in mulkiilaha TV-gaasi isagu TV-ga hortiisa raali galin ka bixiyo una sheego umadda reer Somaliland talaabada uu ka qaaday khaladkan dhacay.



Kulankaas koobnaa ee ay xubnaha jaaliyada reer Somaliland yeesheen wuxu urur  jaaliy adeedka West London Somaliland Community kusoo bandhiggay qodob sadixaad oo ah in TV-gu joojiyo habkay u sheegaan amma uga waramaan Jamhuuriyada Somaliland iyo taar iikhdeeda. Inkastoo qodobkaas laga hadlay oo si fiican la isku tusaaleeyay jiritaankiisa iyo muhiimada uu leeyahay hadana si dhamaystiran looguma bandhigin maamulka TV-ga  ma rkii xubnaha reer Somaliland ay la kulmeen.



Ka dib kulan gaaban oo aanu la qaadanay maamulka TV-ga, waxa habeenkii xalay ahaa ee taariikhduna ahayd July 6-deedii, si toos ah TV-ga Universal looga faafiyay 2-dii qodob ee maamulka TV-ga Universal iyo xubnihii matalayay umadda reer Somaliland ay ku  heshiiye en, 2-da qodob oo kala ahaa in la eryo wariyihii masuulka ka ahaa barmaamujka iyo in  ni nka TV-ga lahi si toos ah uga sheego shaashada, umadda reer Somaliland-na halkaa ka raali galiyo.



Sidaa daraadeed waxaanu umadda reer Somaliland ogaysiinaynaa in arinkii Universal TV halkaa lagu dhameeyay oo urur jaaliyadeedku aqbaly go’aankii odayaasheenu gadh-wa deenada inooga ahaayeen, laakiin umadda reer Somaliland waxaanu kula talinaynaa inay foojignaan dheeri ah u yeeshaan cid walboo si cad amma si dadban u weeraraysa amma u xaqiraysa qaranka Somaliland, taariikhdiisa iyo dadkiisa.



Waxaanu xukuumadda xusub ee uu madaxwaynaha ka yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo kula talinaynaa inay si baraarugsan ulla socdaan saxaafada maqal iyo muuqaal-ba leh (BBC Somali, VOA, Universal iwm) ee ay reer Somalia maamulaan oo ayna ka yeelin in loo yeedhiyo qaranka Somaliland taariikhdiisa, umadda xilkeeda hayaana si badheedh ah loogu xad gudbin. Waxa kaloon xukuumadda cusub kula talinaynaa in sida ugu dhakhsaha badan TV-ga qaranka Somaliland satellite-ka loogusoo xidho si astaanta iyo jiritaanka qaranka Somaliland loogusoo gudbiyo qurba jooga reer Somaliland iyo inta kalee fahmi karta-ba.



Ugu dambayn waxaanu aad ugu mahadnaqaynaa dadkii badnaa ee reer Somaliland ee xafiiska nagalasoo hadlayay ee dareenkooda la qaybsanayay urur jaaliyadeedka oo aanu dareenkoodii ku matilnay kulankii xalay dhacay. Waxa kaloo sidaa si leeg aanu iyagana aad ugu mahadnaqaynaa intii emailada nagulasoo xidhiidhay ee iyaguna nagu taageerayay war saxaafadeedkii aanu kasoo saarnay arinkan isagaa oo aanu waliba ka raali galinayno intii aanu haleeli waynay inaanu u jawaabno oo aanu filayno in war saxaafadeedkani yahay jawaabtii umadda reer Somaliland ee ficilka naga sugaysay.



Somaliland Ha Noolaato, Cadawgeeduna Ha Jabo, aamiin.



Wa bilaahi tawfiiq,


 


Maamulka West London Somaliland Community

Tel (office): +44 208 848 1180

Email: wlondonsomalilanders@gmail.com

Website: www.wlsomalilandcommunity.org.uk