Subject: War saxaafadeed ka soo baxay Xafiska Xidhiidhka Debada ee Ururka Umadda oo ka jaw aabaya Hadalkii Gudoomiyaha Kulmiye ku dhaleeceeyay Gudoomiyaha Ururka Umadda Dr. Gaboose

 



Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan akhristayaasha sharft leh oo aan ku salaamayaa salaanta Islaamaka ee ASALAMU CALAYKUM

Waxaan salaantaas mid la mid ah hawada u soo marinayaa dhamaan taageereyaasha iyo hawlwadeenada Ururka Umadda ee qiimaha
iyo qaayaha leh ee gudah iyo debadaba jooga oo aan leeyahay wax yar ba inooga hadhay guushii wayneed oo way inoo uraysaa ee yaan la nasanin intaa yar ee inoo hadhsan.

Isniinta soo socota ( 19/11/2012 ) waa maalintii ugu danbaysay ee ololaha aynu u lahayn hadaynu nahay Xisbiga Umadda, Waxaa balanteenu tahay inay noqoto maalin taariikhda Soomaliland gasha oo muddo dheer laga sheekeeyo.
1. Waxaynu filaynaa inay noqoto malin cadawgeenu uu ka xanaaqo oo uu yidhaahdo ISNIIN OO DHAN HA IMAQASHIIN
2. Waxaynu filaynaa inay noqoto maalin aynu weeligeen xususnaano wacdaraheedda
3. Waxaynu filaynaa inay noqto maalin sida Ciidaha iyo maalmaha farxada leh aynu u xusno ee taarikhda xusuusno oo yaana ka lumin
kolay aniga qalibiga bay iigu qornaandoonta.
4. Waxaan filayaa inay noqot malintii Xisbiga Umadda, ha moodin inaan ku halmaamay markaan leeyahay Xisbiga Umadda waa mid aan ogahay inuu Urukani Xisbi noqonayo marka la eego caqliga bani aadmiga waayo waxaa la yidhaahdaa kolba markaad guusha u sii
dhawaatidba dagaalka lagugla jiro iyo cadawgaaba wuu sii kordha oo waad ogsoontihiin inuu maalmahan dagaalkii halkii ugu danbaysay
ama aan waxba la inoo la hadhay jirin oo mar haddii ay xadh jeelka la is dhigo gaadhay, iyo qoloyin kale oo cusub oo aad moodo kuwii mujaahid Hadraawi lahaa qabar wuxuu ka jooga qumanaha danbeeye qarka soo jafaaye buurah qotada dheer ka arkaaya qiiqa, qoloyinkaas oo iyana ku soo biiray is bahaysigii Kulimye iyo dawlada ee dagaalka inagu hayay , taasba cadaynaysa inaynu guushii gaadhnay oo Xisbi Qaran u Diga Roganay.
5. Waxaan filayaa inay noqoto maalin lagu kala hagaago.

Waxaa hadaba laga codanayaa dhamaan taageereyaasha inay si heer sare ah ugu dirgarooban malintaas debed iyo gudeba

Hadba akhristow intaasi waxay ahayd arartii hore ee waxaan u soo gonda degaa maqaalkaygii

Waxaa dadwaynaha Reer Soomaliland ee Xariirtah ee cadaaladda iyo waanaaga markasta diyaarka u ah inay u hiilyaan iswadiinayaan markasta oo uu Dr. Gaboose hadlo waxaa keentay in u Isbahaysiga dalkeen ka taliya la ruxmo oo 4 ama 5 jawaabta la soo boodo? suaashaasi waa mid jawaabteeda Isbahaysiga laga sugayo.

Dr. Gaboose waxa uu tallo ka bixiyay oo Madaxwayneheen kala taliyay Xeerka Sirdoonka Qaranka wuxuuna cadeeyay dhibaatadda uu dalka u keeni karo.
Waxa layaab noqotay tallo uu muwaadin u soo jeediyo Madaxwayneheena inay dhwar nin oo masuulin ahi ka jawaaban, waxaa jirta maah maah odhanaysa {wax kula taliya wax yarbaad aragta, waxa wax ku siiya wax badan baad argtaa} ee goormay noqotay in tallo laga jawaabo waa cajiib

Waxaan hadaba jecelahay inaan idin iftiimiyo dhibaatadda isbahaysigan haysata

Waxaa jira dad marka la doodayo aan sugin hadalka qofka kale ee markiiba u diyaar garoobo jawaabtiisa, hadaba qoladan isbahaysiga dhibaatadaas baa haysata oo markay Dr. Gaboose arkaanba waxay u diyaar garooban jawaabtiisa oo ah shakhsi weerar xita haddii u Maxawaynaha amaanayo shaqadooda ma ilayn may dhegaysanin hadalkiisiba.
Sabaataas baa keentay inaynu fahmi waynu qolooyinkan had iyo jeer markay Dr. Gaboose is yidhaahda u Jawaaba.

Waxaa maalintii dhawayto isku deyay inay Dr.Gaboose u jawaaban markii u tallo ka bixinayay xeerka sirdoonka qaranka Cukuso iyo Gudoomiyaha Isbahaysiga Mujaahid Muuse Bixi Cabdi oo ka mid ah siyaasinta aan aad u ixtiraamo anigu.

Cukuso waxaa nooga goaan ah haddi aannu nahay taageerayaasha Ururka Umadda inaan loo jawaabin, aniguna nin goaanka jebinaya ma ihi.

waxaan jecelahay inaan Mujaahid (Muse Bixii) wax yar hadaldiis ka idhaahdo.
1. Mujaahidku wuxuu sheegay inuu Dr.Gaboose cayda Kulmiye iyo Dawlda uu taageero ku raadsado,
waxaan mujaahidka ka codsanayaa inuu soo bandhig halka ama goorta uu Dr. Gaboose ku catamay taas oo dr. gaboose ku caanyahay ama Reer Soomaliland oo dhami ku xushmeeyan inuu yahay nin ka dhawrsan cayda, shakhsi weerarka iyo waxyaabaha kale ee siyaasinteenu ku kacaan, marka uu dawladda ama Kulmiye ka hadlayo wax uu ka hadlaa habka uu maamulkood ku khaldanyahay oo keliyah.

2. Mujaahidku waxa uu sheegay in cajaldihii laga duubay Dr. Gaboose isaga oo Isbahaysiga amaanaya la soo bandhigi doona.
Maan filayn inuu mujaahidku jecelyahay in cajaladihii hore dib loo soo celiyo haddi ay dhacdo waxaan mujaahidka xusuusinayaa malaa wuu ilaaway in cajaladaha duubani ay badanyihiin oo qaar kale oo badan dib loo soo celin doono oo Mujaahidku ugu horeeyo, anigu odhan maayo ilaa QAAXO ha lasoo celiyo ee malaa ilaa 1991 baa inagu filan oo ay ku jirto tii khayriyada Hargaysa laga duubay 1994 , markaa majahidka waxaan leeyahay Cajaladuhu Dr. Gaboose oo keliyaha ku ekaanmayso.

3.Mujaadidku waxa uu aad iyo aad u taageeray sharciga sirdoonka qaranka.
Waxaa jirtay maalin ka midah wakhtigii uu mujaahidku ah wasirka arimaha gudaha ee dawladii marxuun M.Ibraahim Cigaal naxaristii janno eebo ha ka waraabiye ayuu anaka oo dhilinyaro qurbaha ka timid ah mujaahidku noga waramay waayaha dalka.
Wax uu ka sheekeeyay sida ay u adkeeyeen xeerkii Axdii Qarameedkii shirkii Boorama lagu ansixyeen iyaka oo filayay inuu Maxuun Cabdiraxmaan Axmed Cali Naxariisti janno Eebe ha ka waraabiye ku guulaysan doono Madaxwayne nimada taas oo ay laahyeen ku jiqsi, laakin nasiib darro waxay u dhacday sida kale oo Marxuun Cigaaalba ku guulaystay oo mujaahidkana ka dhigay Wasirka Arimaha Guddah, markaa waxa uu Mujaahidku noo sheegay inuu isagu dabar isku xidhay oo maanta aanu Berbera gaadhi karayn,arintaas oo aan filayay inuu wax ku qaato nasiib darro may dhicin oo markii aan maqlay isaga oo leh Cabdraxmaan Cabdulqaadir ANSHAX BA LA MARIYAY baan aad u yaabay oo aan idhi sowkaa mujaahidku hadana mar kale dabar isku xidhay ilayn isaga ku xigga ANSHAX MARINTA EE, waxaa kale oo igu maqaalah Odayga markii loo sheegay ANSHAX MARTA mujaahidku ka dhawaajiyay intuu qoslay buu yidh ILAAHAYOW NIN AAN WAXBA OGAYN HA CADAABIN.
Hadaba aniga oo sugayay ANSHAX MARINTA mujaahidka oo dadka qaar leeyihiin Sanadka cusub bay dhacaysaa baan hadan maqlay mujaahidka oo aad iyo aad u taageeraya Xeerka Sirdoonka qaranka taas oo aan hadan la yaabay oo noqotay
oo aan idhi KA DAR OO DIB DHAL, oo sawkaa hadana mar saddexaad dabar kale isku sii xidhay.
Gebo gebadii Markaan arko ama aan maqlo mujaahidka oo hadlaya waxaan xusuusta nin aanu saaxib ahayn oo la odhan jiray JAR ISKA XOOR.

waxaan maanta maqaalkaygii aan kaga jawaabayay hadalkii Isbahaysiga ku soo afjarayaa intaas.

LA SOCO MAQAALDA DANBE

ALLA MAHAD LEH

Xidhiidhiyah Arimaha Debada
ee Ururka Umadda

Faisal Farafidye