War saxaafadeed

 


Ref: UDUB/XS/F-4/09 Date 02/09.09

Uma yeedhinayno Somaliland waxa ay qabsanayso, laakiin waxanu la garab joogeynaa taageero mug leh dhinaca siyaasada iyo horumarkaba.

Waxa dalka booqasho ku jooga wefi ka socda xafiiksa qaramada midowbay u qaabilsan arrimaha siyaasada ee Somalia iyo Somaliland United nations Political Office for Somalia . Wafdigaas waxa hogaaminayey Ku xigeenka wakiilka Qaramada Midowbay u jooga Somalia Mr. Charles Petrie ( Deputy Special Representative of the Secretary General).

Wakiilku waxu shalay kulamo la yeeshay, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Qorsheynta Qaranka, Arrimaha Gudaha iyo caddaalada, wakiilku waxu kaloo kulamo la yeeshay shalay Xisbiyada qaranka iyo madaxda labada gole ee Wakiilada iyo guurtida.

Wakiilku isagoo ka war bixnaya ujeedada safarkiisa ayuu sheegay inay u yimaadeen sidii ay u xoojin lahaayeen xidhiidhka Xafiiska siyaasada ee United nations Political Office for Somalia UNPOs iyo Somaliland mustaqbalka dhow iyo ka dheer.

Waanu qirsaan nahay in Somaliland wax badan qabsatay, dawladooda iyo shicibkooduba ay sameysteen dawlada iyo golayaal shaqaynaya. Waa inaanu ku taageerno wax qabsigeeda iyo horumarka ay gaadhay Somalialnd ayuu yidhi wakiilku., Waxanu ka cudur daaranayna mudadii badnayd ee aanaan Somaliland waxba la qaban. Laakiin hadda waxanu qorshaynaynaa inaanu xafiis ka furano dalka Somaliland. Waxanuna Somaliland ka caawinaynaa sidaanu kor ugu qaadin lahayn dhinaca siyaasada oo joogitaankayagu gacan ka geysan doono si arrinta Somaliland ee dibada loo xoojiyo, beesha caalmakuna u fahamto.

Uma yeedhinayno Somaliland waxa ay qabsanayso, laakiin waxanu la garab joogeynaa taageero mug leh dhinaca siyaasada iyo horumarkaba.

Ku xigeenka wakiilka Xoghaya guud waxu sheegay inay war bixinta Somalialnd u gudbinayaan Xogyaha Guud ee QM iyo Golahaba ammaankaba.

Umaanu iman inaanu xal u helo arrimaha siyaasada ee Somaliland ka taagan, hase ahaate waxanu dhegaysanynaaa war bixintiina.

Somaliland waxay ay lee dahay dhaqan ay ku xaliyaan khilaafaadkooda waxanuna rajaynaynaa inaanu maqalo iyadoo aad xalisheen khilaafkiina sidaad kuwo horeba u xaliseen.

Wakiilku waxu hoosta ka xariiqay inay hadda u soo jeesteen inay wax la qabtaan Somaliland, iyagoo meelo badan wax kala qabanaya dawladda Somaliland.


 


Cumar Jaamac Faarax
Guddoomiyaha Siyaasada Xisbiga UDUB