Waraaq Furan

Ku Dahir Riyaale Kahin iyo Golaha Guurtida

 

Madaxweyne marka hore waan ku salaamayaa, mar labaadka inkasta oo  Ila ahay Quraanka kariimka ah ku yidhi dhegihii waansan baa waansama waxaan kuu soo gudbinayaa talo aan hubo hadii ay ku soo gaadho oo aad ku camal  fa sho oo qaadato aad wanaag ka dhaxli doonto Ilaahna ku mahadin doonto  qa adashada talaadaas aad qaadatay , hadii aad diido iskana indho tirto aad  ma alin maalmaha ka mid ah isku ciil kaambiyi doonto qaadan la’aanteeda.

Dib hadii aad u eegto raadkaagii labaatankii sanadood ee u danbeeyey waxaa si waadaxa kuugu muuqanaya inta duruufood iyo marxaladood ee aad soo martay oo dhamaantood shalay wada ahaa, hadaad noolaatana labaatanka soo socdaa sidaasoo kale ayay kuugu muuqan doonaan iyadoo aadan dareemayn iminka sida dhakhsaha ah ee wakhtigu isu gurayo , hadii aynu eegno kow iyo tobankii sano ee u danbeeyey waxaad ahayd Madaxweyne iyo Madaxweyne Xigeen, tobonka soo socda Ilaah baa ku caalim ah waxaad ku danbayn iyo meel aad ku danbayn waxaanse kaaga digayaa inaad raacdo wadadii ay qaadeen saraakiishii iyo madaxddii Dawladii Soomaaliya iyo inaad xambaarato godob ubadkaaga iyo ehelkaaga ka haajirisa carradooda iyo ciidooda kana fiirso talooyinka ay ku siinayaan Cawil iyo inta la midka ah ee aan sharaf iyo karaamo midna ka rabin dalka iyo dadkan midna ee halhayskoodu yahay haw joojin , ogowna hadaan la joojin wadadu la hayaa waa tii ay qaadeen Gaani , Morgan, Cali Samatar iyo intii la midka ahaa khasab ayaana lagu joojinayaa fartaana dhexda laga qaniini doonaa intii noolaataana way arki doonaan.

Madaxweyne isbedelka wakhtigaa keenaa waana xaqiiq inaadan ku daa’imayn nololna ku dhamaysanayn kursiga aad maanta fadhido oo ay shalay  fadhiye en marxuum C/raxman Ahmed Ali iyo marxuum Cigaal (AHN) waxaanad  qaad aysaa laba wado midkood , ama waxaad qaadi doontaa hadaan kuu  horaysii yo ta wanaagsan wadadii ay qaadeen dabayaaqadii qarnigii tegey Mahaatiir Mohamed, Nelson Mandela, Khaatami , Raafisjaani iyo wadada ay qaadaan Madaxda laga soo doorto wadamada reer Galbeedka sida USA, UK , Germany , Sweden , Norway , Denmark, France iyo kuwa la halmaala dalkaaga iyo dadkaaga dhexdoodana waxaad ku yeelan doontaa sumcad iyo karaamo inta aad ka dhitaysay , ama waxaad qaadi doontaa wadadii ay qaadeen kelitalisyadii ay ka midka ahaayeen Siyaad Barre , Mingistu , Numeri, Xafidal Asad, Sam wildor, Bukasa, Mabuto , Gen Augousto Pinuchet in Chili, Necolea Ceaucescu in Romania iyo intii la midka ahayd nololshaaduna waxay ku  danb ayn doontaa qaxoonti , sumcad xumo , godob , cabsi iyo xisaabaadka dahsoon oo aan rajadoodu wanaagsanayn , ubadkaaga , ehelkaagaa , tolkaa iyo qaraa badaana waxaad dhaxal uga dhigi doontaa godob sokeeye , nacayb iyo  cola ad aad ku sii beerto mandaqada ay degan yihiin xusuustaada iyo raadka aad uga tagtaana wuxuu noqon doonaa habaar iyo in magacaaga la dhibsado.

Madaxweyne waxaa xaqiiq ah oo ay indhahaagu arkayaan maankaaga iyo ga raadkaaguna yiqiin san yahay in aad labadaas fariiq mid raaci doonto , indha haagu way arkaan xaqiiqduna way kuu muuqataaa waxaase laga yaabaa in naftaadu diido inay xaqiiqda indhaha saarto ,xaqiiqda oo la is diidsiiyaa waa ta dhaxalsiisay raaaca labaad ee Digtaatoorada kor xusan taariirkhda madaw ee ay ifka kaga tageen, runta iyo xaqiiqdii ayay isdiidsiiyeen oo indhohooda iyo maqalkoodaa ka maagay in ay qaabilaan, Madaxweyne hadii aad dareento naftaada oo diidan inay xaqiiqda ku dhiirato garoo waxaad haysaa wadadaas khaldan meel xun baanay kuu waadaa.

Dhudhun lagaga qaad ama wedkii lagu dhoweeyaaba
Nin dharaara haystaba saldanad loogu soo dhigay

Madaxweyne bal hadda Tusaalahan kalena eeg????????

Hadii aad tusaalooyinka dhow iyo qarnigeena ka dheehato imisaad xasuusan kartaa awoodo qarniyo jiray oo maalin ku burburay , imisaad meel dhow ka eegi kartaa keli taliye kibray oo aan cidna wax iskaga tirin jirin oo maalin daad qaaday, aad uga boggo maamulkii u danbeeyey ee Soomaaliya hana isku dey in inaad awood beena ismoodsiiso.

Madaxweyne joogi maysid oo waad ogtahay , waari maysid oo waad ogtahay aduunkuna sidan ahaan maayo dadku intaa in kabadan yeeli maayaan oo  wa ad ogtahay , waa been khibradaha Cawil sheegto iyo aqoonta uu yidhaah beelaha Isaaq baan u leeyahay , in badan wuu ku marin habaabiyey ee yaanu jar kaa tuurin khaatumadana ku seejin ,adayse kuu taalaa inaad rumaysto oo isku ciil kaambido iyo inaad diido oo isdba qabato inta goori goor tahay, waxa an kuu soo jeedinayaa talooyinkaas oo ku anfacaya hadii aad qaadato isna dabaqabato.

Golaha guurtidana waxaan leeyahay.

Dalka meeshaad u wadaan maanta waa meel lagu hoogay , waxaad horkacaysaan hayaan halkaad u sahimiseena waa Haawiya, hadaad sidaa ku socotaana ifkana waxaad dhaxlaysaan magac xumo, isciil kaambi, aakhirna waxa idiin horeeyaa waa kayd xaaraan ah , adeerayaal umadii way yaaban tahay qiimayntiinii iyo qiyaastiinii oo dhami waxay ku ekaatay kuna soo ururtay woxoogaa xaaraan ah oo faro guudkood la idiin saaro, hadii aan idin siiyo tilmaan basiid ah iyo muraayad aad isku eegtaan si aad u aragtaan sumcadiina iyo karaamada aad maanta leedihiin waa kuwan su’aalaha la isweydiiyo marka la idin faaleynayo:-

1. Shaybe aan Ilaahiis shukriyin, sharafna xaalaynin
2. Booli shiisha xaaraan shilalay, tuugo shidhanaaya
3. Ka shakiyin shaxaadkiyo baryada , shayna ka xishoonin
4. Shuftanimadu shaalkiisa tahay, sheexin abidkiiba
5. Shareecadu waxay sheegtay iyo , shubuha aan dhaafin
6. Misna sheegta sheikh iyo wadaad, shawra lala yeesho
7. Shar yidhaahda waa xeer sharciya, xaqa shareeraaya
8. Shaydaankiyo shariigaa iblays , shiinku deyayaaye
9. Shaacirkii shahaadaad sitow, sharax amuurtiisa?


Baydadkaasi waxay tilmaamayaan in badan oo ka mid ah golaha Guurtida iyo hab dhaqankooda , ma wada aha Guurtida kumana wada sifoobaan laakiin sumada inta ku mashquushay laaluushka, Eexda, Caddaalad darrada ee iibsatay dalkii iyo dadkii ay u dhaarteen.

Tusaalaha iyo taariikhdiina maanta waa taas , qof kasta oo dalka iyo debediisa jooga oo dulmiga iyo daacadnimada kala yaqaan oo aan xagjirnimo iyo xiqdi ku jirina tilmaan iyo tusaale wanaagsan midna idinkama arko, muraayada la isku eego ee qofku iska akhriyaana waa sumcada iyo taariikhda uu dadka ku dhex leeyahay , bal dadka waraysta oo inta aan idin shaxaadin ee isku filan wax weydiiya, maanta taariikhdiinu waa mid madow , waa mid fool xun , waa mid aan aakhiro iyo iftiin midna ku wanaagsanayn ee is daba qabta.

Dalku wuxuu galay maanta marxalad doorasho, tii hore waynu ogayn sidii guurtidu ka yeeshay xogteedii waynu haynaa waana taariikh qoran, maanta waxaan idiinka digayaa inaad dalka dhib u horseedaan, waxaanad ogaataan in shacabku gudo iyo debedba idin eegayo , natiijo wanaagsan iyo mid xuna waxa ficilkiina keeno la idiinku sedburinayo, natiijada aad soo saartaana aad abaalkeeda helaysan weliba siyaado la idiinku darayo ee idinku doorta labadaas taad jeclaataan una diyaar garooba hadeer iyo hadhowba ?????? ??????? ????????? ??? ????????? ???????

Hadii dib loo eego taariikhdii bilowgii ee golaha Guurtidu waxay ahayd taariikh aakhiro iyo iftiinkaba wanaag , sharaf iyo karaamaba lahayd laakiin maxaa maanta isbedelay , maxaa min halkaa iyo ilaa halka aad maanta joogtaan masaafada intaa le’eg idin hayaamiyey, waxaad sumcadiinii, iyo dantii dalka iyo dadkaba siisateen woxooga aan meelna idin gaadhsiinayn.

Talo waxaan idiin soo jeedinayaa inaad toobad keentaan Ilaahayna ka xishoo taan waa hadaad Ilaahay taqaanaan oo aad rumaysan tihiin , waxaan idiin sheegayaa in dunuubta dalka ka dhacda iyo wixii masiibooyin ay keenaan  tal ooyinka maroora ee aad maanta talinaysaan in aad masuuliyadeeda leedihiin nin kastana lagala xisaabtamayo wixii dalka ka dhaca qaybta uu ku leeyahay.

Dhegihii Alle waanshaa waansan , waxaa laga yaabaa inaad aflagaado iyo cay u turjuntaan qoraalkan , waxaa laga yaabaa inaad tidhaahdaan mucaarad baa qoray , waxaa laga yaabaa inaad hadba geed ku laashaan idinku sidaad doontaanba u dhiga meeshaad doontaana saara laakiin hal su’aal uun is weyd iiya , waxaad is weydiisaan waxan la sheegayaa ma jiraan mise ma jiraan, haday jiraan ha is diidsiinana waayo cawaaqibkeedu way idin huran yihiin, waxaydaan hurayn horaa loo yeelaa inaad qaadataan iyo inaad diidaan  idink ay idiin taalaa waase talo nasteex taladaan maanta idin siiyey waxaanan idiin ku soo gaabshay Dalka iyo dadka dulmiga iyo duudsiga ka daaya.
 

 


Saeed Suleiman
Gudoomiyaha Jaaliyada S/land ee Minnesota