WARANCADDOW BAABUURTA ADOO KU MAHADSAN DARIIQEED U MARTAY

 


Waxa lagu yaqaan nimanka maafiyada loo yaqaano oo siyaasi iyo ganacsiba isagu jira rag fir fircoon oo hawl kasta muddo yar ku dhaqaajiya. Ma eegaan waxaas inuu sharci yahay iyo in kale, dariiq kasta oo qaloocan ayey u maraan siday hadafkooda u gaadhaan.


Wasiir Warancadde oon weli xilka loo dhaarin oon la ansixin oon lahayn awood lacag bixineed, ayaa muddo dhowr wig ah ku keenay 20 baabuur boliis, hadda waa kii shalay ka cabanaayey sharci darada Laanta Socdaalku ku soo iibsatay 20 baabuur. Isna isagoon marin Guddidii Qan daraasyada, isagoon iclaamin ayuu hoosta cid ka siiyey.

Warancaddow bal noo sheeg dariiqa aad u maratay, cidda keentay iyo sicirka baabuurta. Waxa la yidhahadaa warancadde waxbuu qabtaa. Haye bal haddaan kaa qaado 100 kun dollar oon wax kuugu qabto 20 kun inta kalena aan qaato ma waxaad ii arkeysa nin wax kuu qabtay mise nin ku dhacay.

Waar ummadana ha ka korto inay u sacab tumaan wax yar oo muunad la hor keeno kolka inta badan jeeb gaar ah ay ku dhacayso.


Waxaan ka war sugaynaa in Warancadde is caddeeyo oo uu inoo sheego qiimaha baabuurtu inagu joogto, iyo inay tahay baabuur qorshaha ku jirtay oo Wasiirkii hore dalbay isna nasiib u helay. Ha inoo sheego dariiqa dhakhsaha badan ee uu maray, ha inoo sheego waxii uu shalay ku eedeeyey Laanta Socdaalk waxuu u sameeyey, heynoo sheego cidda uu ku naas nuujiyey.

Warkaas markeynu helno ayeynu amaba odhan mahadsanid amba aynu arki ujeeddada dhabt a ah ee ka dambeysaa inay tahay tuugo xarfadeysa,

 



Cabdi Xaji Axmed
hargeysawi@ymail,com