WARANCADDOW SIDEEN KUGU AAMINA


 


Waxaan la yaabay dadka amaanaaya Warancadde. Waa Ramadaan oo ku dheeraanmaayo beena ka sheegimaayo ee waxa igu kalifay inaan wax soo qoro sida makasta loo qaldaayo. Qofka waxa xidha wacad iyo ballan. Ruuxa aan oofin balanka ee kol walba ummadda ku wacad fura isagoo ku doorsanaaya dhandhan iyo xaal adduun, waxa la yidhaahdaa munaafaq mana ah nin ka xishooda wax kasta kna damqada waxaan naftiisa ahyn. Waa jirjiroole.


Warancadde waxuu ahaa raga ugu adag taliskii laga adkaaday ee Riyaale, waxuu been iyo xarfad iyo xoogba isticmaalay doorashadii madaxweynbha 2010, ilaa uu rag ay isku raas yihiin ayuu qaarna xero ku xidhay qaarna dhafoorka baastoolad kaga qabtay iyagoo uu u arkaayey inay yihiin KULMIYE.


Waxa ka dambeysay inuu isu sharaxay murashaha Madaxweyne ee UDUB ayna isag iyo Jamaal Cali Xuseen ku loolamayn. Xiligaas oo Gaboose ka tegey Wasiirka Gudaha suuqa waxuu gashaday waxa leygu yeedhay Wasiirka Gudaha oo waan diiday. Haddaba ma waxa shuruud ahayd inuu baabiiyo xisbigii UDUB si uu Wasiir u noqdo. Miyaanu ahayn ninka keliya ee isku caddeeyey inuu keligii xisbigii qAran baabiiyey.


WAxa iyana xigtay inuu Golaha Fukinta ee Wadani ka mid noqday. Waa wacadkii seddexaad ee uu baal maro. Intaas ayaa in agaga filan shakhsiyadda Warancadde nin dhuunta caqli ku leh oon wacad iyo ballan midna lahayn.


Waxa ayaan darro haysataa bulshadii oo kala garan la’cidda ay doortaan Illeyn waa kan Siilanyo ka door biday ciddi ay doorteen ee KULMIYE ahayd inuu ku bedelo kuwii ay ka cararayeen. Siilanyo isna halka balanka iyo wacadka waa kala mid Warancadde, waxuu rabaa nin aan kor u eegin oo uu farta ugu yeedho gidaarka madaxa la dhac hadduu yidhaahdi haye mooye aan erey kale ku soo celin Illeyn nin bulshau tuurtay ayuu suuqa ka soo qaatay..Waana dhaqanka daalimiinta iyo maafiyada, soo xaree cadowgaa kuwa guusha kuu keenan eri. Waa se mid in yar shaqaysa oo nin doorasho ka dambeysaa ma iloobi saaxiibadii iyo raggii guusha u soo hooyey.


Shacbiyow qiimeeya waxa dalka ka socda. Waxa xukuumadda wiigan taageeray waa kuwaad garan Warancadde soo noqoy dabadiina waxa Madaxtooyada gala baxaaya waa Boqor Buur Maadow, Cisman Hindi iyo Safiirkii Riyaalwe ee Wareegi jiray, WAxa isna daafac la taagan Waa Ina Dhoolayare Wasiirkii Riyaale ee Beeraha, hore waxa Siilanyo soo qaatay General Saqadhi AHUm iyo Ina Xoor Xoor,. Waxa wasiiradu gaadheen 53 xubnood oo in badan ayna lahayn shahaadad dugsi oo dhaafsan Dugsiga Dhexe, waxa ka mid ah ninkii inta uu Madaxweynaha ahaa lahaa kalmad aan Ramadaanka ku haboonayn balse nuxurkeedu ahaa caafimaad dartii Siilanyo xilka ha dhiibo.


Waxa kooxdaasi u hanjabaysaa askhyaartii Soomaliland oo yidhi waa wada-tashi iyo toosin aynu sameyno. Waa ayo waa MUJ. Xasan Ciise, MUJ Maxamed Xashi Cilmi, Gud. Faysal Cali Waraabe, MUj. Ibraahim Dhegoweyne iyo rag xor ah oo ka tirsan Golaha Wakiilada iyo guurtida. Yaab iyo yaabkiis.

 



Cabdi Xaji Axmed

hargeysawi@ymail.com