Warancade iyo Gaboose oo Siilaanyo kula taliyay inuu iska mooso Dagaalka Saxaafadda
 

 


“Anaga wixii na riday
Saxaafadday ahayd oo dhinac naga martay, ee iska jir dagaalkeeda” Warancade



Hargeysa (TNN) Guddoomiyaha guddida Siyaasadda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Cali Maxamed Warancade iyo Wasiirka xilka wasaaradda Arrimaha Gudaha iska casilay Dr: Maxa med Cabdi Gaboose ayaa shalay siyaabo kala duduwan uga hadlay dagaalka ka dhex dilaac ay Warbaahinta Dalka iyo Xukuumaddiisa, waxaanay u soo jeediyeen inuu ka hortago oo uu joojiyo.

Cali Maxamed Warancade oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ku saabsanaa xukunka ay Maxkam adda Gobolka Hargeysi ku riday Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda Waxbara shada waxa uu yidhi “ anigu Xukuumaddii aan wasiirka ka ahaa waxa riday waxa ay ahayd Saxaafadda oo dhinac naga wada martay, waxan arkayaa imika Xukuumadda talada haysa oo Saxaafaddii soo saartay dagaal kula jirta. Markaa waxaan kula talin lahaa Madaxweyne Siilaanyo inuu la heshiiyo oo aanu ka hor iman Saxaafadda haddii kale wadayadii ayuu ku dan bayn doonaa” ayuu yidhi Warancade

Dhinaca kalena Dr: Maxamed Cabdi Gaboose oo ka hadlayay waraysi uu siiyay Telefishanka HCTV ayuu kula taliyay Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa inay warbaahinta dhagays taan oo ay ka qaataan qaladaadka ay ku jiraan ee ay u tilmaamayaan waxaanu yidhi “ Saxaafadda Xorta ahi waa ta kuu tilmaanta dhaliilahaaga waa inaad dhagaysataa oo aad ka qaadataa qaladaadkaaga ay kuu tilmaamayaan, haddii aad dhagaysato kuwa ku aamaanaya ee aan kaa duwayn wadada qaldan ee aad hayso waad ku jabaysaa” ayuu yidhi Gaboose

Hadalada labadan Siyaasi ayaa ku soo hagaagaya wakhti uu Af-hayeenka Madaxtooyadda Somaliland C/laahi Cukuse iyo koox yar oo uu wataa ka shaqaynayaan sidii ay warbaahinta ugu jihayn lahaayeen wax ka sheega Xukuumadda iyagoo taa u yeelaya inay laba af-leeyaan Xukuumadda si ay uga helaan dhaqaale ay iskaga dhigayaan inay ku maslaxayaan warbaahin ta iyadoo inta la ogyahay ay xirfadaa Madaxtooyadda kaga qaateen Lacagayow badan oo aan la soo gaadhsiin kuwii lagu soo qaatay.

Maaha oo kaliya imika ee tan iyo in dhawaalaba waxa khasnadda Dawladda ama Qasriga Mad axtooyadda ka socday nidaam ay kooxdaasi ku heshay Macaash badan inkasta oo aanay ma daxda sare ee Xukuumaddu wali arrinkaas si rasmi ah uga war helin oo ay yarayd Saxaafad da runta u sheegtaa, waxa maanta ku faruurmay mawjado tusi doona dilaaliinta ku soo jaba ysay daadka ay ka digayaan Siyaasiyiintaa aqoonta dheer u leh dhibaatadda ay leedahay Saxaafadda oo ka hor timaadaa.
 

 

Source:Waaheen