“Wararka Sheegaya Inaanu Imaaraadka U Nimid Inaanu Is Aragno Madaxweynaha Somaalia Waa Mid Aan jirin Oo Aan Sal Iyo Raadtoona Lahayn, ” Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland

 



Wasiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka mid ah xubnaha weftiga ....


Hargeysa (TNN)- Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin warar sheegayay in Madaxweyneyaasha Somaliland Iyo Soomaaliya Axmed Max amed Maxamuud Siilaanyo iyo Xasan Sh. Maxamuud ay kulan ku yeelan doonaan dalka Imaaraadka carabta.

Wasiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka mid ah xubnaha weftiga madaxweyne Siilaanyo ee socdaalka ku jooga Imaaraadka carabta oo maanta u waramayay Idaacadda BBC-da Laanteedda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in hadafkii ay ka lahaayeen socdaalkooda ay dhamaysteen, isla markaana ay maalinta Arbacada ku noqonayaan Som aliland.

Isagoo Arimahaa ka Hadlayana Wuxu Yidhi “Sababta aanu dalka Imaaraadka carabta u nimid waxay ka dambeysay marti-qaad aanu ka helnay Hoggaanka sare ee dalka Imaaraadka,”

Maxamed Cabdilaahi Waxa uu intaas ku daray “Waxaana intii aanu halkan joognay kulamo la yeelanay qaar ka mid ah masuuliyiinta ugu sareeya Imaaraadka carabta oo ay ka mid yihiin Sheekh Maxamed B inu Saa’id Al-Nahyaan iyo Sheekh Mansuur Binu Saa’id AL-nahyaan, waxaanu ka wada hadalnay cilaa qaadka labada dal iyo mashaariic u badan xaga horumarka oo aanu ka codsanay dawlada Imaaraadka carabta.”

Wasiirka oo la weydiiyay su’aal ah waxa jira warar sheegayay in lagu wado in Madaxweyneyaasha S omaliland Iyo Soomaaliya ay kulan ku yeeshaan dalka Imaaraadka carabta, waxaanu ku jawaabay Sid an “Sidaan hore u sheegay waxaanu halkan u nimid inaanu ka hadalno arrimo u badan xagga horuma rka, sida dhaqaalaha, caafimaadka, Tacliinta iyo xagga wadooyinkaba. Balan aanu xagan (Imaaraadk a) ku lahayn Madaxweynaha Soomaaliya ma jirto. Shir labada madaxweyne ay dalkan ku balan sanaa yeena ma jro. wararka sheegaya inaanu Imaaraadka u nimid inaanu is aragno Madaxweynaha Soom aaliya waa warar aan jirin oo aan sal lahayn,”.

Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Cabdilaahi Cumara oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Booqash adii rasmiga ahayd ee aanu Imaaraadka u nimi way noo dhammaatay. Madaxdii ugu saraysay dalkana waanu kulanay si wanaagsanna way noo soo dhaweeyeen. Muraadkii aanu socdaalkan ka lahayna wa anu ka dhamaysanay Berina waxaanu ku noqonaynaa Somaliland isagoo aan madaxweynaha Soomaaliya aan imanba.” Ayuu Yidhi Wasiirka Arimaha Dibeda Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar.
 

 


Guuleed Muxumed Ibrahim
Timavacde News Desk
Hargeysa ,Somaliland