Wararkii Ugu Danbeeyay Wefdigii Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee Faransiiska

 

Hargeysa (Timacade News)-Weftigii uu hogaaminayey Madaxweyne kuxigeenka JSL, Mud ane, Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa habeen hore oo ay taarihkdu ahey 24.01.2010 waxa uu ka soo degay gegida Dayaaradaha calamige ee Charles De gaulle ee Magaalada Paris,

halkaasi oo ay Madaxweyne kuxigeenka iyo weftigiisa ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin ka socday Dawladda Fransiiska iyo safiirka Somaliland u fadhiya Dalkan mudane Cali Ismaaciil Xasan iyo wasiirku xigeenka wasaarada caafimaadka ee JSL mudane Mahdi Cusmaan Buuri.



Madaxweyne kuxigeenka waxa uu soomarey dalka Jabuuti waxa uuna kulan la yeeshey  dal jiraha dalka France ee fadhigiisu yahey Jabuuti. Waxeyna kawada hadleen dano ka  dhaxee ya labada Wadan. Weftigu waxa uu uga sii gudbey dawlada Emirate ka halkaas oo uu kula kulmey madaxda Emirate ka waxeyna isla afgarteen inay kulan danbe isla yeeshaan.

Madaxweye kuxigeenka iyo waftigiisuba waxaa isla markiiba loosii gudbiyey Huteelkii laagu talagaley, waxa uu madaxwyne kuxigeenku uga sii gudbi doonaa dalka France wadamo kale oo Europe ah



Allaa Mahad Leh

 



Mahdi Cusmaan Buur
Wasiir kuxigeenka a Wasaaradda Caafimaadka ahna
Af-hayeenka Weftiga Madaxweyne kuxigeenka JSL, Paris, France.