WARAYSIGII DHEX MARAY GAR,ADAG IYO YIROWE [ SHEEKO ]

 



 


Ramadaan kariim sanad wanaagsan dhamaan umada muslimiinta meel kastoo aad joogtaan dhamaan

waraysi dhex maray saleebaan yirowe iyo jaamac gar,adag

JAAMAC .......waar saleebaan bal waran

saleebaan yirowe .......waar jaamac maxaan waramaa sawtan ilaa gaaroodi dhagax lagasoo gurtay ee sideenii tuuryo la bilaabay

-jaamac gar,adag....... imisaynu dhagax tuuraynay laga barayba laga badi reer hargaysa hadaanan idin sheegin

- saleebaan yirowe....... kaalay ma afartii cishee aad hagaysa joogtay ayaad waxan oo kalgacal reer hargaysa ugu
qaaday.

jaamac gar,adag.......... waar niyoow inaga daa ilaaqdoo bal warka isii maxaad haysaa

saleebaan yirowe........ maxaan dee hayaa sawtan ninkii aadan waqaf loo diidan yahay maaha inuu xisbiga qabsado
ee meel kasta mudaharaadka laga dhigaayo.


jaamac gar,adag......... horta kaalay inagu miyaynaaan dalka ka talin oo madaxwayne ka ahayn

saleeebaan yirowe ..... nacam waa ka talinaa ala ha daayee xaaji axmed maxamuud siiraanyo ayaaba haya talada dalka

jaamac gar,adag ....... guurtidana saw kama talino inagu

saleebaan yirowe.......... nacam xaaji saleebaan ayaaba guurtida hogaanka u haya

jaamac gar,adag ......... imikana waxaynu doonaynaa inay ka talino xisbigii ucid
dee adeer sidani cadaalad maaha ma dalkii dhamaa ayaynu rabnaa inaynu
kaligeen ka wada talino dalkuba sadex xisbi ayuu leeyahay ee hadaynu laba qaadno
umada kale ma faraaajiinbaa.

saleebaaan yirowe......... ala madaxa ala madaxa ilaahbaan ku dhaartee madaxa ayaa i kacsan abidkaaba nacasbaad ahayd
bal waxaasi wuxuu ku hadlaayo eega.
dalka hadaynaan ka talin yaa kalee u soo halgamay ee ka talinaaya
miyaanad waar ogayn inaanu dalkan anagu dhisnay oo maal gashanay
waryaa inan yarbaad taheee mar danbee yaan waxaa lagugu maqlin

jaamac gar,adag .............udub oo kaliya ayaa hadhee ayadana goormaynu ku daraynaa kkkkkkkkk

saleebaan yirowe.............. waar ina mari waxba ma ogide udub lafteeda anagaa gacanta ku haynee
waar ma cid baa dunida ku hadhay sawtaan cankaa dhigay maaha
kkkkkkkkkkkkkkkkkk

jaamac gar,adag .............. bal waayee inoo ducee oo ducada ilaa hargaysa gaadhsii burco kaliya haku soo koobin

saleebaan yirowe...............waar bal ina mari aan dahabshiil sii marnee anaa aqaana sida laguu aamusiiyee
ujeedadaada oo dhan waan fahmayaa iyo filimkaaga suuqaa maalmahan kugu xun
mar waxaagu waa kiis iska waalwaal .

jaamac gar,adag walaahi mayee inaadeer xaqa in la sheego weeye dee hadaynu dulmi isku raacno saw cadaab ku wada gali mayno
ilaaahaw cadaalada na garansii oo nin jeclaysiga naga fogee .


sheekadii jaamac gar,adag iyo saleebaan yirowe halkaa ayay ku dhamaatay ramadaan wanaagsan kaftanku waa furan yahay
laakiin dunuubta waawayn inaga ilaaliya

wabilaahi tawfiiq

 

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London