WARBIXIN KU SAABSAN MAAMULKA DEGMADA BERKEDA CALI XIRSI EE GOBOLKA SARAAR
 

 


Written by Maxamed S Saalax
Friday, 04 December 2009

Tan iyo intii Gobolka Saraar lagu dhawaaqay waxaa si habsami ah u socday, ha wlaha Gobolka, oo degmooyinkana ay maamulo tayo lahi ka dhaqaaqeen ,marka loo eego Degmooyinka iyo Gobolada kale, hadaba waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa warbixin kooban oo ku saabsan degmada BERKEDA CALI XIRSI ee Gobolka Saraar.

Degmada BERKEDA CALI XIRSI waxaa ka jira maamul, ka kooban guddoomiye iyo laba Guddoomiye ku xigeen, Xoghayn, hanti Dhawrka Guud iyo Khanajiga  degm ada, waxa kale oo ay leedahay maamulka qaybihiisii kale.Waxaana degmada Gudoomiye ka ah Saalax Ismaaciil Xirsi Axmed.

Masaajidka Berkeda Cali Xirsi $B"- (B


Waxaana ku xigeeno u ah, ku xigeenka Koowaad, Saleebaaan Maxamuud Geedi ,ku xigeenka Labaad Aadan Saleebaan Suudi, xoghayaha Dawlada Hoose Cabd faarax, Hanti dhawrka Guud Maxamuud Faruur Xirsi, Kasnajina waxaa ka ah Maxmuud Jamac.

Wuxuuna maamulkani intii uu jiray ku guulaystay in uu waxyaalo badan wax ka qabto sida wadooyinka magaalada oo markii hore cidhiidhina ahaa, dhagxaana lagu gooyey, oo uu maamulku ku guulaystay in uu baneeyo.

Waxa kale oo ay wax weyn ka qabteen nadaafada magaalada oo ay u  sameey een goobo qashinka lagu ururiyo, iyada oo markii hore magaalada uu qashinku dhexdeeda ka buuxi jiray, maamulka degmadu waxa kale oo ku guulaystay in uu xerodhiigda,xoolaha lagu qalo magaalada dibada luga saaro, si nadaafadu tayo u yeelato, faya-dhawarkana loogu dadaalo.

Iskuulka Degmada Cali Xirsi


Dhinaca waxbarshada waxaa magaalada Berkeda Cali Xirsi ka jira dugsi  Hoo se/Dhexe oo ay dhigtaan ugu yaraan 170 arday, ayna intaas ka sii yaraadaan xilliyada reeruhu hayaamaan, gaar ahaan xilliga jilaalka,waxaana ka hawl gala ugu yaraan lix macalin, hasa yeeshee aan wax taagulayn ah ka helin sida ay sheegeen dibad iyo guda toona,waxaana guddoonka waxbarashada madaxka ah Cabdi Maxmuud Cawil (Labalugood).

MCH , dhinaca caafimaadka oo laba qol ah ayaa isaguna ka hawlgala degmada Berkeda, la dhisay sadexsanadood ka hor, in kastuu shaqeeyo oo uu magaalada hawlo badan u fuliyo hadana waxaa baahi badani ka taagan tahay dhinaca  daw ooyinka iyo qalabka kale ee adeega caafimaadka waxaana ka hawlgala Dr Jamac Yaasiin Sugule.

Magaalada waxa kale oo ka jira saldhig Boolisku ka hawlgalaan waxaana madax ka ah Taliye Jaamac Salebaan Daad, waxaana ku sugan Boolis tayo leh, oo ku filan sugida nabad galyada degmada Berkeda Cali Xirsi.

Magaalada waxaa ka shaqeeya Laba Xawaaladood , waxayna leedahay Matoor koronto oo shaqeeya lixda galabnnimo ilaa iyo laba iyo tobanka habeenimo.

Inkastooy jiraan dhibaatooyin u baahan in waxlaga qabto , hadana waxaa la  od han karaa maamulka degmada Berkeda Cali Xirsi waa mid tayo leh, hanaqaaday oo ku dayosho mudan.
 

 


By: weriye Maxamed S. Saalah

Degmada Oog
Ee Gobolka Saraar