Warbixin si Qota dheer uga hadlaysa Habka
Cadaalada Somaliland

 


(Maxaad Kala Socotaa Qaabka uu u Socdo Garsoorka Somaliland )
Qaybtii “4aad uguna danbaysay………….


...oo leysku xukumaa ay keenayso Cadaalad iyo Sinaanta sharciga hortiisa iyo In  cadaala dda dalka la toosiyo oo weliba la tayeeyo.Isla markaana ....... xalka udub-dhexaad ayuu u yahay, umadduna si dhib yar ayey nolol dhab ah oo karaamo iyo macaan leh ku heli kartaa .....

Qormooyinkan waxaynu ku soo qaadanaynay dhinaca Garsoorka iyo Shuruucda dib-u-dh acooda, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay Bulshada Somaliland ku dhaqan, Cadaaladu waa meelaha laga qiimeeyo Horumarka amma Dib-u-dhaca Bulshada.
Xuquuqda Muwaadinka :- Xadgudubka Xuquuqda Muwaadinka ayaa aad u hoosaysa Somaliland,, Xukuumada Talada haysaana weli si saxa uma dhaqan gelin distoorka Dalka, kaasoo si cad u sheegaya in dawladda xilka haysaa damaanad qaado xuquuqda muwaadinka.

Sida distuurka dalku dhigayana, muwaadinku xaq buu u leeyahay inaan layska qabsan, ama layska xabisin, iyadoon aan wax dembiya lagaga cadaynin maxkamadda arrinta ku shuqul leh horteeda. Sida qodobka 26aad, farqadiisa saddexaad qeexayso, 'Eedaysanuhu waa dembi-laawe inta aanu Maxkamad horteed kaga caddaanin dembi.' Waxaa muhiim in Muwaadinka sifo sharciya loo xidho, maxkamad wax ku cadaysa la hor keeno, sida qobodka aan kor ku xusay dhigayo.

Sida ku Qeexan Qod 8aad ee Distoorka wuxu kafaalla-qaadayaa sinnaanta muwaadiniinta. Haseyeeshee, ma jirto xeer casri ah oo caddeynaya siyaabaha qof sinnaantiisa ay  dawla ddu duudsiisey uu xaqiisa maxkamadda horteeda uga dacwoon lahaa.

Weli waxaynu hadal-heynaa habkii lixdameeyadii oo kiis kasta oo idaari ah (administrative law actions) oo lagaga cabanayo go'aan dawladeed ay Maxkamdda Sare oo kali ahi ku shuqul leedahay, cidna aanay ogeyn habka loo raaco arrimahaas, Qod 21aad ee Distoorku wuxuu cadeynayaa in waaxyaha qaranka oo dhammi waajib ku tahay in ay ilaaliyaan xuquuda aasaasiga, laakiin ma jirto

Guddiyadda Nabadgelyadda Goboladu :- waxay maroorsadeen awoodaha Waaxda  Garsoo rka marka ay dadka xabsiga u taxaabaan. Tani waa arrin muddo badan ummadda  Somalil and ka cabaneysay, Waana mid baalmarsan Distoorka Somaliland, Waa arrin  Baarlamaa nka Somaliland hore uga hadleen, Distoorka Somalilandna ma ogala in wadanka lagaga  dh aqmo Xeerarkii hore Dowladii Siyaad Bare oo ka soo horjeeda xuquuqda qofka iyo  xorriya adka aasaasiga (Q.130(5)), Xeer kasta oo ka soo horjeeda Distoorkana waa waxba kama jiraan (Q.128(2)).

Dhibanayaashan Habkan loo xidho ee ku jira xabsiyadda Somaliland, lama horkeeno  maxk amad sharci ah sida ku qoran distoorka, looma ogalaado in ay is difaacaan oo qareen  qab sadaan, ama lagu cadeayo danbi, loomana ogalaado in ay rafcaan ka qaataan amarkan lagu xidhay, xorriyadoodiina si aan xeerka waafaqsanayn ayaa looga qaaday – in taas oo dhami waa waxyaabo baalmarsan Qodobdda distoorka ee kafaalqaadaya xuquuqda qofka.

Dhowr jeer ayaa dacwad loo gudbiyey Maxkamadda Distooriga ah oo ku saabsan  Gudi yadda Nabadgelyadda oo ay Maxkamaddu iska indhotirtay, kalsoonida umadda ayey ku waayeysaa, Guddiyada NabadGelyadana Waxaa loo isticmalaa inta badan Hab  Siyaasa deed oo cawaaqib xumo keeneysaa, waxaanay ahayd in Distoorka iyo Xeerarka loo simanyahay sida ku cad Q.8(1)aad ee Distoorka Somaliland, arrimaha xuquuqda dadkana waajib gooni ah ayaa ka saaran Garsoorka iyo waaxyaha kale ee qaranka (Q.21(1)).

Waxaa Haboon in Xukuumadda Somaliland ay sida ugu dhakhsaha badan u baabi’so  awoo daha Garsoorka ee Guddiyada Nabadgelyada, ciddii danbi lagu hayo amma lagu soo  ooga na la mariyo Maxkamdaha sharciga ah. Gudiyadani hawlaha kale ay ka qabtaan sugidda nabadda waa xilkood oo cid diidani ma jirto. Hase yeeshe, awood ay dad ku xidhaan  mala ha, xubnaha Gudiyadanna waxaanu xusuusineyna in mid kastaaba uu mas’uul ka yahay mar kasta oo uu ku xadgudbu xuquuqa dadka oo uu ka qayb galo amar lagu xidhayo qof, taasna mar uun lagala xisaabtamidoono, Muwaadinka la dulmiyaana Denbi malaha, lakiin ka wax Dulmiya ayaa danbiga iska leh.

Damiin :- Waxaan iyaduna aan dhicin inta badan in Muwaadinka haddii aan dembigiisu  dal ka Nabadgelyadiisa khatar ku ahayn ama gelinayn uu helaa damaanad! Sidase distuurka qaranka qodobkiisa 27aad, farqadiisa labaad qeexayso, 'Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u leeyahay in lagu hor geeyo  maxka mad 48(sideed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka la qabtay.' Taaba gelinta Garsoorka iyo Cadaalada si loo helo garsoor tayo leh oo dhowra Xuquuqda iyo Xoriyaadka muwaadinka

Ujeediyo Haatan Waxaa Xalka Umaddu ku Jiraa

In Booliska ama Ciidanka Nabadgalyada .


loo baahanyahay In tirada, tayada, tababarka, aqoonta iyo mooralka Ciidamada  Nabad gelyada kor loo qaado darajooyin iyo mushahar ku filan la siiyo si ay hawshoodu u fiicnaato ,Mushaharo yaraan iyo tababar la’aan ay ku keento dhinaca qalabka iyo darajo la,aantu waxay keentaa niyad jab iyo kalsooni darro haysata Ciidanka Nabadgalyada (Booliska), , booliska waa inay si asluub leh u dhaqmaan, sucmada booliska waa in aanay meel kaga dhicin, iyagoo la ogyahay in ay ku jiraan waqti adag iyo duruufo adag, iyagoo mar mar Booliisku hawlgalada galaan dhinaca amaanka ay galaan uu ku dhaco weeraro inta ay shaqadoodaa ku jiraan oo fulinta sharciyada iyo Denbiyada dhaca.
Waxaa muhiima in la xusuusnaado in Cadaalad xumi ay umadu ka dagaalantay waana waxa ilaa iyo hada la baadi goobaayo .

Xalka Umadda Somaliland waa Shareecada Islaamka:- Si dhibkan u haysta dadweynaha Somaliland ee Cadaalad darada ay uga baxaan , ayaa xalkoodu ku jiraa in lagu dhaqo umadda shareecada Islaamka si ay u helaan Cadaalad sugan , oo ay umadduna ay aad ugu kalsoon tahay...

Faa,iidada Shareecada Islaamka :- waxaa shaki ku jirin in shareecada Islaamka oo leysku xukumaa ay keenayso Cadaalad iyo Sinaanta sharciga hortiisa iyo In cadaaladda dalka la toosiyo oo weliba la tayeeyo.
Isla markaana ku-dhaqanka Shareecada Islaamka Somaliland xalka udub-dhexaad ayuu u yahay, umadduna si dhib yar ayey nolol dhab ah oo karaamo iyo macaan leh ku heli kartaa ,Arimahaasi oo dhana waxaa xalkeedu ku Imanayaa waa Diinta Islaamka. Caddaalad kale ma jirto, Kitaab qof kale samaystayna socon maayo oo qof iyo qofaf toona socon mayso oo Umadda wadi mayso ee isku dhaqa Kitaabka Ilaahay iyo sunnaha Rasuulka, imikana waxaan shardi ka dhigayaa in aan la saldhigayn haddii ay taydu been noqoto.”

Waxa dadka isku keeni karaya ee walaalayn karaya, ee isu keeni karaya, ee caddaalad keenaya ee dulmiga meesha ka saaraya, waa iyada oo Diinta Islaamka la qaato oo loo qaato si la garanayo oo macnaysan iyo waxay ka hadlayso la garanayo, ileen markaad wixii aad garanayso ayaa lagu dhaqmaaye. Diinta Islaamka oo sida fiican loo dabbaqo ayay ku jiraan guud ahaan waxaan soo sheegay. Imika, waa nin wayn iyo taladii oo waa wixii laga filayay nin wayn, nin dhibsada iyo nin kaleba.”

Iyadoo ay waajib tahay in Xukuumada Somaliland ay dalka ku dhaqdo Shareecada diinta Islaamka, Sidii uu horeba u sheegay Madexweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Daahir Riyaale Kaahin in dalka lagu xukumo shareecada Islaamka ee distoorkeenana ku qoran.

Waxaa ku talinayaa in dhamaan haya’daha Garsoorka, siiba kuwa qaabilsan dacwadaha dhulka iyo kuwa kalaba lagu dhaqo shareecada Islaamka ,laguna bedelaa dad aqoon u leh diinta islaamka, Waxaanaan Hubaa in Cadaalada iyo kalsoonida shacabku u soo noqoto oo lagaga bixi karo dhibta jirta ee soo noqnoqonaysa.

Waxan ilaahay ka baryaynaa inuu dadaalkeena inagu garab galo cidkasta oo dalkan iyo diintiisa u daacad noqotana ka abaal marindoono.

Waxaa ka afeefanayaa in ay Arimahanu ay ku saleysan yihiin Badi dhinaca Sharciga oo ay tahay intii ugu fududayd ee aan soo qaadankaraayey, lakiin ay suurta gal tahay in ay wax ka qaldami karaan , dhinac kasta ha noqoto, lakiin muhiimada ujeedadayda ayaa ku saleysan in Cida ay aad u khusayso ay isku taxalujiyaan in la saxo wixii ay Cadaalad Dhabi ku suurta-Galayso.

-Wa bilaahi Tawfiiq'.-
 

 

 

Qalinkii:  Adan Yusuf Elmi  UK