Warbixino, Go’aamo & Talooyin wax ku ool ah oo ka soo baxay kulankii UDUB UK ku qabteen Nov. 23, 2008 Caasimadda Cardiff, Qaybta 1aad

 

Kulankan oo lagu qabtay Premier Inn Hotel oo ku yaalla duleedka magaalada Cardiff, waxa uu u qabsoomay qaabkii loogu talo galay oo ahaa in qaybta hore ay xubnuhu warbixinno iyo xogogaal waran isu gudbiyaan, qaybta dambena inay si cilmiyeysan uga doodaan qodabada Ajendaha shirku ku saabsanaa oo kala ahaa: Ka hortagga iyo ladagaalanka Argagixsada iyo Dardargalinta hawlaha Xisbiga UDUB iyo Xukuumadda JSL.Gudoomiyaha gobalka Wales ee UDUB UK, mudane Cabdikarem Ibrahim ayaa markii shirka Ayaado quraan iyo duco lagu furay ka dib isaga oo ku hadlaaya magaca gudiga Cardiff ku soo dhaweeyey shirka masuuliyiintii ka soo qayb galay shirkan oo ku tilmaamay mid taariikhi ah. Intaa ka dib mudane Axmed Naasir Xirsi Maxamed, gudoomiyaha UDUB UK oo ahaa gudoomiyaha Shirka ayaa ugu horayn uga mahad celiyey gudiga Cardiff xilkasnimada ay muujiyeen iyo gogosha ay fidiyeen. Intaa ka dib wuxuu u faahfaahiyey Xubnaha qodobada Ajendaha iyo qaabka shirku u socon doono. Xubnaha qaybta weyn ka qaatay kulanka ee warbixinada muhiimka ah ka soo jeediyey kulanka waxaa ka mid ah: Gudoomiyaha Xafiiska Siyaasadda UDUB, Mudane Cumar Jaamac oo booqasho hawleed ku jooga Carigan Ingiriiska. Mudane Cumar wuxuu ka xog waramay hawlaha Xisbiga iyo Xukuumaddu JSL heerarkii kala duwanaa ee ay soo mareen iyo halka maanta joogaanba. Gudoomiyaha siyaasadda UDUB mudane Cumar Jaamac wuxuu si aada ugu dheeraaday waxqabadka xukuumadda iyo xisbiga talada haya ee UDUB, gaar ahaan dhismaha ciidanka qaranka JSL, hirgalinta doorashooyinkii dalka ka dhacay ee isdaba joogga ahaa iyo fidinta maamulka iyo sugidda xuduudaha Somaliland oo dhamaantood ah guulo lagu faani karo. Mudane Cumar waxa kale oo uu ka waramay horumarka laga gaadhay xagga waxbarshada oo la gaadhsiiyey ilaa tuulooyinka aad u fog fog iyo Jaamacadaha takhasuska lagu sameeyo kuwaas oo marba marka dambaysa soo kordhaya .Gudoomiyaha Siyaasadda xisbiga UDUB waxa kale oo ka waramay Maamul fidinta, gobalada iyo degmooyinka cusub iyo marxaladda maanta dalku marayo xagga amaanka iyo nabadda gaar ahaan gobalada Bariga. Waxa kale oo mudane Cumar ka waramay barnaamijka Diiwaan galinta iyo Doorashooyinka soo socda oo uu sheegay inay ka dhacayaan dhamaan gobalada dalka ilaa xuduudaha Somaliland. Waxa kale oo uu Gudoomiyuhu ka warbixiyey weerarka foosha xumaa ee Argagixisadu ku soo qaaday Somaliland Oct 29, 2008 isaga oo soo xiganaya wararka uu ka helay Xukuumadda JSL maadaama uu isagu ka soo maqnaa dalka iyo in loo baahan yahay in loo samro oo laga war sugo baadhitaanka wali socdo oo aanay haboonayn in laga hordhacaa. Gudoomiyuhu wuxuu sharaxaad dheer ka bixiyey xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dalka Djibouti oo maant meel aad u heer saraysa uu marayo, hore xidhiidhwanaagsani innoga dhaxeeyey Ethiopia iyo Kenya. Gudoomiyaha Siyaasadda UDUB, mudane Cumar waxa uu ugu dambayntii ka xogwaramay sida ay xukuumadda iyo xisbiga talada hayaa ugu dadaalayaan inay saxaan wixii dhaliil ah ee jira, Shirweynihii Xisbigana si dhakhso ah loo qaban doono, markastana uu aaminsan yahay in Xisbiga UDUB ku guulaysan doono hogaaminta dalka maadaama aanay dadka inta badan arkeen siyaasaha iyo waxa ay aamin san yihiin axsaabta Mucaaridka ahi.
Mudane Ibrahim Ducaale Saleebaan(Ibrahim Talaabo) ayaa isaguna kulanka ka soo jeediyey warbixin ku saabsan Argagixisadii October 29, 2008 iyo ujeedooyinkooda guud ahaan . Mudane Ibraahim Talaabo wuxuu ka xog waramay falalkii faraha badnaa ee Argixisadu hore uga fuliyeen JSL sida dilalkii loo gaystaay dadyowga Ajanabiga ahaa sida Lamaanihii Macalimiinta ka ahaa Dugsiga Sheekh, Afduubkii Ninkii Jarmalka ahaa iyo gabadhii reer Kiiniya iyo isku daygii qarxinta Baarlamaanka. Mudane Ibraahim waxa uu ka waramay in markii ay ku guul daraysteen hababkii kale oo dhan ay Argiixsadu go’aansatay Ismiidaamin iyo habka fulaynimada ah ee loo yaqaan Aniga iyo Cadowgaygu aanu wada dhimano. Mudane Ibraahim waxa uu iftiimiyey siyaasadaha qolooyinka beryahan dambe ka soo baxay Somaliya sida Maxaakiimta iyo Alshabaab iyo sida uu dadkeennu uga dareen moogaa gaar ahaan waalidiinta iyo da’ yarta oo u nugul ama loogu soo gaban karo dhinaca Diinta. Ugu damabayntii waxa uu caddeeyey sida Somaliland aanay marnaba ugu liici Karin falkasta oo argagixiso ah, Madaxaweynaha JSL iyo ku xigeenkiisana ay ka go’an tahay ka midho dhalinta qaddiyadda Somaliland. Mujaahid Iid Cali Salaan oo ka tirsan SSE(Somaliland Society in Europe) oo goob joog ahaa kuna sugnaa magaalada Hargeysa maalintii Argagixisada ee 29kii October ayaa isaguna si qoto dheer uga xog waramay xaaladda dalka iyo Saamayntii ay falalkaasi ku yeesheen Qaranka JSL iyo Shicibka iyo Ajanabigii Caawinayey JSL iyo guud ahaan Rayal Caalamkaba. Mudane Iid Cali salaam wuxuu si cilmiyeysan uga war bixiyey ujeedooyinka Argiixisadu ku lahayd falalka noocan ah. Warbixinta Mudane Iid Cali Salaan, Warbixintii Safiirka Wareegga ee JSL mudane Dr. Maxamed Aar iyo warbixino kale oo kusaabsan falalka Ururo Argagixiso ah oo ka hawl gala Somaliland gaar ahaan gobalada Bariga JSL iyo Go’aamada iyo Talooyinka shirka laga soo jeediyeyba waxaanu idiinku soo gudbin doonaa qormooyin kale ee la soco qaybaha danbe.

Ilaahay Baa Mahad leh.

 

 


Axmed Naasir Xirsi Maxamed

Gudoomiyaha UDUB UK
Ahmedlibaah@hotmail.com