War-Degdega Golaha Guurtida oo Xukuumadda xilka u kordhiyay ilaa inta ay Doorasho qabanayso
 

“Mudo kordhinta Xilka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenku waxay ka bilaabmaysaa 29/10/2009 ilaa bil ka dib maalinta ay qabsoomto Doorashada Madaxtooyadu”


Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadh igoodii maanta cod aqlabiyad ah ugu codeeyay xukuumadda Madaxweyne Rayaale inay talada Dalka siihayso ilaa iyo inta ay Doorashada  Madaxtooya du ka qabsoomayso

fadhiga maanta oo ay fadhiyeen 78 xildhibaan oo ka mida 82 ka xildhibaan ee Golaha Guurtidu ka kooban yahay ayay 77 xildhibaan ogolaadeen inay xukuumaddu talada dalka hayso ilaa inta Doorasho qabsoomayso, cid diiday may jirin,sidoo kale cid ka aamustay may jirin Guddoomiyuhuna muu  coda ynin . waxaana sidaa ku ansaxay soo jeedinta shirguddoonka oo ahayd inay tixgaliyeen heshiiskii lixda qodob ahaa ee ay beesha Caalamku ku  dhex  dhe xaadisay

ka hor intaan soo jeedintaa loo codaynin ayay shirguddoonku ku wargaliyeen mudanayaasha inay soo gaadheen go’aan ay ku salaynayaan heshiiskii Beesha Caalamka ee ay saddexda Xisbi wada aqbaleen ee kala ahaa:

1. In Koomishanka doorashooyinka wax laga bedelo, weliba hoggaanka

2. In Seerfarkii dib loogu soo noqdo, oo ay khubaro imanaysaana dhammaystiri doonto waxa ka dhiman.

3. Wakhtiga ay doorashadu ku suurtoobayso, waxa ka wada tashanaya koomishanka dorashooyinka iyo khubarada imanaysa, waana go’aan ka fog siyaasadda oo ah go’aan farsamo.

4. In Wada Jir loo wada shaqeeyo

5. In Doorashoyinkan iyo kuwa dambe ee soo socda lagu galo diiwaangelin.

6. In Saddexda xisbi soo saaraan go’aan wada jir ah, marka lagu heshiiyo qodoban, si loo ambo qaado hawshii doorashada

kuwaasoo ay sheegeen inay u arkaan xalka kaliya ee lagu kala badbaadi karo ka gole ahaana ay dhex ugu noqon karaan Axsaabta isla markaana ay danta ummaddu ku jirto

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka hadlay Golaha ayaa yidhi ” manaan jeclayn maanta oo jimce ah in aan u codayno arrintan, balse duruufta taagan iyo xaalada aynu ku jirnay ee aynu iskugu nimimd culayskeedaa keenay, hadii aanu Shirgudoonkayagu Shirnay, Rogro g nay xaalada maanta, rogrognay maxaa dana, rogrognay badbaadinta iyo xasiloonida Qaranka, tixgalinay Qodobadii Heshiisiinta ee Beesha Caalamku soo jeediyeen ee lixda Qodob ahaa ee ay u soo jeediyeen Saddexda  Mush arax, hadii aanu tixigalinay xaalada maanta taagan waxay noogu eekaatay oo talo idiinku soo jeedinaynaa, Go’aanka maanta inaga soo baxayaa inuu ku salaysnaado ogolaanshihii labada Xisbi mucaarid shalay inoo sheegeen, Madaxwaynahuna sheegay ku dhaqankiisa inuu Go’aankeenu ku salaysnaado “


Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Golaha Guurtida Sheekh Axmed Nuux Fure ayaa isna mudanayaasha la hadlay waxaanu yidhi ” waxaynu isku ha ynay ee aynu u murmaynay waxay ahayd yaynaan Dawlad la’aan ku dhicin oo ninba si u arkayay, markaa waxaanu isla gaadhanay inaynaan keenin w ax ka baxsan wixii Caalamku inagula taliyay ee uu inoo soo jeediyay, Sadd exda Xisbina ay ogolaadeen inaynaan inagu bogjeexin oo ay korodhsiimade enu ku fadhido inayna Dawlad la’aani inagu dhicin”

waxa halkaa ka akhriyay soo jeedinta Shir-gudoonku u soo jeediyeen  Xild hibaanadu inay u codeeyaan Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha  Guu rtida Siciid Tima wayne, waxaanay ahayd soo jeedinta loo codeeyay sidan:- iyada oo aan la ogayn dib u sixida Diiwan-gelintu wakhtiga ay qaadanayso, Dalka oo aan loo bahnayn in uu ku dhaco Dawlad la’aan ama meel madhan, isla markaana tix-galinayna talo soo jeedintii beesha Caalamka, sidoo kalena aragnay aqbalaadii Xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaridka sidaasi darteedna Mudo kordhinta Xilka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenku waxay ka bilaabmaysaa 29/10/2009 ilaa bil ka dib maalinta ay qabsoomto Doorashada Madaxtooyadu”



Source:Waaheen