WAREYSIGII VOA LA YEELATAY MUDANE DUUR OO DIBADDA
SOO DHIGTAY KHIBRAD YARAANTIISA

 


Wareysigii shalay VOA-du la yeelatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxay banna anka soo dhigtay oo daaha ka fayday khibrad yaraanta Siyaasadeed  ee mudane DUUR. Wasiirku wu xu adeegsanayay erayo aad u liita marka laga eego luqadda Diplomacy-yadda (diplomatic lan guage). Wasiirku wuxu muujiyey walaac aan loo baahnayn iyo sas uu shacb iga ku riday.

Haddii aanan Wasiirka ugu cudur daarin in hadalaasi ka ahaayeen aqoon darro maxaa kale ee ay noqon karaan ???????

Ereyadaa aadka loo qoonsaday ama laga biyo diiday waxaa ka mid ahaa:

- "waxay ahayd DAL burbursan bay ka yimaaddeene inay codsadaan in wax lala qabto

-waxay kaloo ahayd inay codsadaan in GOOBAHA nabadda ah ee SOMAILAND ka mid tahay in la taageero,

-waxay kaloo ahayd in ay codsadaan in uu qeyb kala qaato dawladda maraykanku in somali la isku keenkeeda iyo wada hadalkeeda sidii ay u sii socon lahaa khaasatan Somalia iyo Somaliland wada hadalkeeda sidii uu u sii socon lahaa inuu qeyb ka qaato"

waxa iyana la yaab ahayd oon meesha qabananin is barbardhigga qaranKa Somaliland iyo maa mul goboleedyo ka tirsan Somaliya. Waxana Wasiirka hadaladiisii ka mid ahaa:

"waxaad mooddaysay inay ku yara jirtay woxogaa MAAMULADA KALE ee sida SOMALILAND oo MAAMUL AH, puntaland oo iyana maamul goboleed ah in woxogaa tahdiid ihi ku yara jiray "

Ma ha markii u horreysay ee Wasiir Duur hadallo aan loo miidaan dayin oo dadweynuhu la yaa baan uu ku hadlo, waxaa xusid mudan doorashadii Madaxweynaha Somaliya xasan sheekh oo uu wasiirku qirtay in dawladda somaliland gacan ku lahayd soo bixitaankiisa doorashada madax weynanimo taas oo Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland uu deedefeeyey oo uu meesha ka saaray.
 

 

 


Cali M. Adam (Cali Xaruuri)