War-Murtiyeed Shir weynihii Beelaha Ciidagale

 


1. Iyadoo beesha Ciida-Gale ka mid ahayd beelihii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed ee samaystay hogaan dhaqameed,waxaa xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah in is-bedelka baaxada tirida dadka, horimarka, fikirka, iyo hab-dawladeedka cusubi keeneen hab-nololeed kii hore ka gedisan, oo lagama maar maan ka dhigaya abuurista hab wada-tashi oo la jaan qaadi kara hab-dhaqan dhaqaaleedka manta taagan oo mararka qaarkood curin kara dano gaar ahaaned iyo kuwo guud ahaaneed oo is weydaaranaaya.


2. Waxaa 24-25 bishii August 2008 Hotel Ambassador ka dhacay shirkii beelaha Ciidagale oo ay ka soo qayb galeen 213 qof oo isugu jira hogaamiye Dhaqameed, Ganacasato, Aqoonyahano ,Culimaa’u diin ,Qurbe joog iyo xubnaha Goleyaasha qaranka iyo xisbiyada qaranka oo kala ahaa. 150 ergo rasmi ah oo ka kala yimi tobonka ardaa ee beesha iyo 63 goob joogeyaal ah.




3. Hadaba, iyada oo aan hoos loo dhigayn meeqaanka iyo mudnaanta hab-dhaqankii soo jireenka ahaa,wuxuu shirweynuhu isku raacay xeer 10 qodob iyo 60 farqadood ka kooban ujeedadiisuna tahay abuurista iyo hagida Gole Guud. si loo suuro galiyo talo wadaag wax ku ool u ah oo danta guud ee beesha,beelaha la ologa ah,dalalka beeshu rasmi ahaan u degto ,iyo guud ahaan samo ku-wada noolashaha dadyowga aduunka.

4. Hadaba,shirku markuu si mug leh u falanqeeyey xalaadaha guud ee dalka ee dhinacyada nabadgalayada ,deris wanaaga ,samo kuwada noolanshaha beelaha,is tix-galinta iyo horimarinta , waxaa shir gudoonka loo igmaday soo gudbinta.

War-murtiyeedkan soo koobaya nuxurka shirka Go’aamada heshiiskuna waa:-

1. Hirgalinta qadiyada Somaliland iyo adkeynta nabadgalyada
2. Xoojinta horumarinta
3. Kobcinta Dimoqraadiyada dalka, Dawlad wanaga,iyo u diyaar garawga diiwan galinta iyo Doorashooyinka
4. Dhawrista iyo ku-dhaqanka Dastuurka iyo Xeerarka dalka u yaala
5. Ka hortaga iyo xalinta khilaafaadka



Go’aamada Beesha u gaarka ah



6. abuurista Gole Guud oo wada tashi ah si loo helo talooyin la lafa-guray oo wanagsan iyo talo-wadaag ku jihaysan horumarinta dhinacayada kala duwan ee nolosha: ka hortaga iyo xalinta khilaafadka, iyo u feejignaanta somo-kuwada noolanshaha oodwadaagta ah iyo guud ahaan aduunka.

7. Xubnah Golaha Guud waxay noqonayaan xubno isu-dheeli-tirin dhinacayda marka loo eego qaybaha bulshada,Aqoonta iyo Ardayada beesha.

8. Qodob kasta oo xeerkan ku jiraa ama lugu soo daro oo ka hor imaanaya shareecada Islamka iyo xeerka dalku waa waxba kama jiraan.



Xubnaha shir-gudoonka

1. Mudane Cabdillahi Siciid Ismaaciil (Gudoomiye)
2. Engneer Ibrahim Aadan Cabdillahi (G.xigeenka 1aad)
3. Mudane Kayse Haybe Maxamed (G.xigeenka 2aad)
4. Mudane Axmed Maxamed Diiriye (xog-haye 1aad)
5. Mudane Axmed Maxamud Xayd (xog-haye 2aad)





ALLAA MAHAD LEH


Oday Maxamed
waryaa@live.com