War murtiyeedka Shirkii Somalia ee Brussels
Brussels (TNN)-War murtiyeedka ka soo baxay Shirkii Higsiga cusub ee Somalia ee
shala ka dhacay Beljimka ayaa lagu bilaabay, beesha caalamku waxey
kulankan yeelatay waqti aad muhim u ah oo ay Somalia cagta saartay
dhabihii dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska, ka dib muddo ka badan
21 sanadood oo ay colaad dhex maquuranayeen shacabka Somaliyeed.
War murtiyeedku waxuu soo dhaweeyay horumarka siyaasadeed iyo midka
amni ee Somalia ay gaartay, waxuuna amaan u soo jeediyay hogaanka
dowladda Somalia sida ay ula shaqey nayaan dhinacyada ay ka go’odo
talada Somalia iyo beesha Caalamka.Gaar ahaan kaalintii ay ku lahaayeen suurtagelinta shirarkii midkan
ka horeeyay ee lagu qabtay London iyo Yok ahama.
War murtiyeedka waxaa lagu yiri, waxaan xaqiijineynaa sida aan ula
dhacsanahay isbedelka yidadiilada leh ee Somalia, waxaan dhiiri
gelineynaa dib u heshiisiinta, waxaan ku cel celiney naa taageerada
aan u heyno qaranimada, madax banaanida dhuleed iyo midda
siyaasadeed ee Somalia, si aan taageeradaa u muujinana waxaan
qalinka ku duugnay qorshaha higsiga cusub ee Somalia,
hirgelintiisana aan garab istaaganahay.
War murtiyeedka waxaa lagu yiri heshiiskan waxuu daliil u yahay is
bahwadaagsi cusub iyo iskaashi ku saleysan isla xisaabtan iyo
maareyn oo u bilowday dowladda Federalka ah ee So malia, Baarlamanka
Somalia, Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka.
Qorshahan cusub ayaa u qoondeeyay Somaliland Hanaan u gaar ah ku
salaysan mabaadiida caalamiga ah ee Heshiiska Cusub ee lagula
dhaqmayo wadamada tamarta yar.
Qorshaha taageerista Somalida ayaa ujeedka laga leeyahayna uu yahay
ayaa lagu yiri war murtiyeedka, sidii mustaqbal wanaagsan loogu
abruuri lahaa dhamaan shacabka Somaliyeed, oo loo xoogin lahaa
hanaanka wada hadalka.
Arintan ayaa horumarineysa ayaa lagu yir war murtiyeedka dib u
heshiisiin siyaasadeed, ta abagelinta nabadda, amaanka, cadaaladda
iyo horumar waafi ah oo ay gaarto Somalia.
War murtiyeedka ayaa lagu amaanay doorka Ay Igad iyo midwoga Africa
ku leeyihiin nabad eynta Somalia.
Waxaa uu booriyay in la taageero ciidamada Amisom lana xaqiijiyo dib
u dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Somalia.
War murtiyeedku wuxuu sidoo kale booriyay in haweenka iyo qeybaha
kala duwan ee bulsh ada, iyo qurba joogta ay door ku yeeshaan
horumarinta amaanka iyo siyaasadda.
Waxaa lagu cambaareeyay falalka argagixiso ee Al-shabab ka geysato
Somalia , iyadoo lagu soo dhaweeyay shirkii xag jirnimada looga
hadlayay ee dhawaan lagu qabtay magaalada Muqdisho, ee lagu casuumay
culumada Somaliyeed. Qorshahan caalamiga ah ee the new Deal ee qalinka lagu duugay
sanadkii 2011kii ayaa si gaar ah ugu wajahan taageerista dalalka
colaadaha ka soo baxaya ee xaaladu aysan cagaha adag ku taagneyn ee
k u jira xilli kala guurka.
Source:
VOA
|