SHIRKA CAALAMIGAA EE
DAHAB SHIIL AYAA HADALO RA QIISA KU TILMAANTAY WAXYAABO AY QOREEN
QAAR KAMIDA WEBSAYDYADA SOMALIDA
Hargaysa (TNN)-Waxa aynu la soconaa in ay jiraan dad website-yada
qaar ku qoray dacaayado been abuur ah oo ka-dhan ah Shirkadda
Dahabshiil.
Ma aha markii ugu horraysay ee Website-yadaasi qaarkood ay ka
faafiyaan dacaayado iyo been abuur shirkadaha xawaaladaha, gaar
ahaanna Dahabshiil, muddo dhawr sano ah. Hore waxa shir k adduu
saartay dacwad maxkamadeed websiteyadaas oo waxa la siiyey digniin
ah inay ka waan toobaan beenahaasi iyo dacaayadaha ay faafinayaan,
ujeedada ay ka leeyihiinna ahayd dano g aar ah oo dhaqaale. Taasina
ma aha wax dhici kara. Waxa kale ay rabaanin lagu waxyeeleeyo dh
aqaalaha dadka Soomaliyeed iyo sumcadaha Hay’adaha u adeega ee uu
Dahabshiil ka midka yah ay, iyadoo aanu ka foojiganahay isla
markaana aanay u suurto-galayn damacoodaasi.
Sidaa darteed:
1.Waxa aanu cadaynaynaa in shaqadii Dahabshiil u hayay
macaamiishiisa meel kasta oo ay joogaan, ay sidii caadiga ahayd ee
looga bartay u socoto.
2.Waxa kale oo aanu xaqiijinaynaa in system-ka Dahabshiil ku
shaqeeyaa yahay mid aammin ah wax dhibaato ahina aanay ka jirin,
hantidii shirkadda iyo tii macaamiishuna xafidan tahay.
3.Waxa aanu macaamiisha shirkadda Dahabshiil meel kasta oo ay
joogaan u caddaynaynaa in xogta (data) lagu baahiyay website-yada
qaar ay tahay mid aan sax ahayn.
4.Waxa kale oo aanu u sheegaynaa kooxdaasi dacaayada iyo been
abuurka faafinaysa in aanu sharciga caalamiga ah la tiigsan doono.
-Allaa Mahad Leh –
Hassan M Jama "Heiss"
Public Relations & Media
Dahabshiil Operations Center
|