War saxaafadeed





 


Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa saaka qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti 3 xubnood ka kooban oo uu hogaaminayo Agaasimaha Xafiiska Qaramada Mid oobay u qaabilsan arrimaha gargaarka Bini’aadamnimo (OCHA) MrJohn Ging.

Madaxweyne ku xigeenka oo ay kulanka ku wehelinayeen guddida Qaranka Abaaruhu waxa uu weftiga uga waramay saamaynta ay abaartu ku yeelatay Somaliland iyo in ay guddida abaaruhu 6 kooxood u kala direen gobollada si ay u soo taabtaan xaalada dhabta ah ee ka jirta deegaanadaas gobolada iyo saamaynta ay abaartu ku yeelatay dadka iyo xoolahaba.
“Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici iyo Guddida Abaaraha Qaranka Somaliland waxa ay u bandhigeen weftiga xaaladda abaaraha dalka taagan, waxaana ay tilmaameen in roobabkii la filayay inay wadanka ka da’aan xilliga Gu’gu ay yaraadeen 60%, taasina ay dhalisay in abaaro aad ahi saameeyeen Galbeedka Sool, badhtamaha Nuugaal, qaybo ka mid ah Hawdka iyo xeebaha silsilada Golis.
 

- Waxa kale oo ay guddidu warbixintooda ku xustay in dadka ku barakacaya abaarahan wad anka gudihiisu ay gaadheen 45% qiyaas ahaan.


- Warbixinta guddidu waxay kaloo xustay in dalagii soo bixi lahaa xilli roobaadku uu dhexdhexaad yahay gobollada Sool, Sanaag iyo Togdheer, hase yeeshee gobollada Maroodi-jeex, Awdal iyo xeebta silsilada Golis ayaa hoos-udhac wayni ku yimi.


- Dhinaca xoolaha waxay guddidu warbixintooda ku sheegeen inuu hoos-u-dhac wayni ku yimi xoolaha 60%.


- Meelaha nafaqa-daradu ka jirto xaaladda abaareed darteed waxa ay guddidu ku sheegeen silsilada Buuralayda Golis oo ay xaalada nololeed aad u adag tahay, Hawdka ayaa isagana laga dayriyay, dhinaca Nuugaal ayaa ka mid ah meelaha xaalada abaareed qalafsan tahay.


- Guddidu waxay warbixintooda ku muujiyeen baahiyaha oo ay kaw ka tahay in la dhiso Dhaamamka biyaha, meelaha u baahan in dhaamamka laga sameeyana waxay kala yihiin Salal, Biji, Togdheer, Waaheen, Oodweyne iyo meelo kale oo ka mid ah xeebaha.


- In la sameeyo wacyigelin iyo tababaro dhinaca digniinaha abaaraha la xidhiidha.\

- In la helo 3 bilood raashinka WFP ay ku quudiso dadka oo gaadhaya 24,000HH


- In la dayactiro 2400 Barkadood oo ku kala yaala 180 Tuulo wadanka ka tirsan.”

Gebo-gabadii warbixinta Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa weftiga u sheegay inay Somaliland xaaladadeedan abaareed la socodsiisay wufuud badan oo ka kala socotay Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inteeda kaleba, balse aanay wax jawaab ahi kaga soo noqon.


Madaxweyne ku xigeenku waxa kale oo uu sheegay weftiga in Somaliland iyada oo duruufta as abaareed qabta hadana ay ka damqanayso macaluusha taagan Soomaaliya.
Agaasimaha OCHA Mr. John Ging waxa uu Somaliland ku ammaanay maamul-wanaaga iyo sid a ay xukuumadu u hogaamisay dedaalkii ay abaarta iskaga caabiday. Waxa kale oo uu Somali land ku ammaanay dareenka bini’aadamnimo ee ay ka muujisay xaalada Somaliland.


Dhinaca kalena madaxa weftigu waxa uu ka garaabay in ay qaramada midoobay iyo beesha caalamkuba gaabis ka ahaayeen ka soo jawaabidda baahida abaareed ee Somaliland oo ah mid la taaban karo. Hase yeeshee waxa uu ku dhiiri-geliyay Madaxweyne ku xigeenka iyo g uddida abaarahaba inuu socdaalkiisani ka duwan yahay kuwii hore oo la heli doono jawaab deg deg ah.
 

 


ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.