Warsaxaafadeed
JAMHUURIYADDA SOMALILAND Republic of SOMALILAND
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
Email:afhayeenka_jsl@yahoo.com,afhayeenka@hotmail.com,(E-m: private)
cukuse@hotmail.com
Date: 14/04/2011
Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa uu
Digreeto Madaxwe yne ku Magaacabay laba Masuul oo kala ah Maareeyaha
Hay'adda Korontada JSL iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Wax-barashada
iyo Tacliinta Sare.
Waxaanu Madaxweynuhu Digreetadiisa ku yidhi, Sidan:-
Markuu Arkay: Qodobka 90-aad, faqradiisa 3-aad, Xarafka(KH) ee
Dastuurka JSL.
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay?adda Korontadu u leedahay
Dhismaha Qaranka.
Markuu Arkay: In baahi loo qabo Buuxinta jagada Maareeyaha Hay?adda
Korontada.
Markuu ka Fiirsaday: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hufnaantiisa Shaqo.
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo Xilkan loo Magacaabay.
Wuxuu go'aansaday
1-In Mudane, Maxamed Axmed Aadan, laga Bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Maareeyaha Hay'adda Korontada JSL.
Markuu Arkay: Qodobka 90-aad, faqradiisa 3-aad, Xarafka(KH) ee
Dastuurka JSL.
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimaha Guud ee Wax-barashada u
leedahay Dhismaha Qaranka.
Markuu Arkay: In baahi loo qabo Buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee
Wax-barashada .
Markuu ka Fiirsaday: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo hufnaantiisa Shaqo.
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo, aqoona u leeyahay Xilkan loo
Magacaabay.
Wuxuu go'aansaday
In Mudane, Maxamed Xasan Gaani, laga Bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Wax-barashada iyo Tacliinta
Sare.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
|