Warsaxaafadeed
AMHUURIYADDA SOMALILAND Republic of SOMALILAND
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
Date: 28/04/2011
Madaxwayne ku xigeenka JSL ahna ku siamaha Madaxweynaha JSL Mudane,
C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta magacaabay guddi
heer qaran ah, oo agaasinta u diyaar garow ga sannad guurada 20 aad
ee xuska maalinta qarranimada Somaliland ee 18 ka May.
Madaxwayneku xigeenka C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) guddidan
heerka qaran ee uu u magacaabay, qaban qaabada xuska 18-ka May, oo
uu gudoomiye u noqon doono Wasiirka arri maha gudaha, ayaa waxa ay
kala yihiin sidan:-
1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
2. Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda.
3. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta.
4. Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga
5. Wasiirka Wasaaradda dhalinyradda, Ciyaaraha, dhaqanka iyo
Dalxiiska.
6. Chief Of Protoclka Madaxtooyadda
7. Agaasimaha Maamulka Madaxtooyadda
8. Badhasaabka Gobolka M/jeex
9. Maayarka Caasimadda Hargeysa.
Madaxwayne ku xigeenka JSL, Mudane, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici)
ayaa waxa uu ku booriyey xubnahaa uu u magacaabay qaban qaabada
xuska maalintaa, in ay muujiyaan taariikhda ku duugan munaasibada ay
leedahay maalintan 18ka May, waxaanu faray in ay hawshaasi xil
mugleh ay iska saaraan, isla markaana ay si degdeg ah uga hawl
galaan agaasinkeeda.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|