Ujeeddo: War-saxaafadeed
Caddayn Mawqif Ku Aadan Ururada Siyaasaseed iyo SONYO
Taariikh: 8/11/2011
Ref: SONYO/01/20/11
Ku: Dhammaan Telefishanada Somaliland
Ku: Radio Hargeysa
Ku: Dhammaan wargeysyada madaxa bannaan
Ku: Dhammaan Website-yada Somaliland
Ujeeddo: War-saxaafadeed
Caddayn Mawqif Ku Aadan Ururada Siyaasaseed iyo SONYO
Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO iyada oo ka
duulaysa arrin maalmihii ugu dambeeyey ku soo noqnoqotay ra’yul
caamka guud ee dalka iyo aragtida tilmaamaysa SONYO iyo ururada
siyaasaseed ee dhawaanahan lagu dhawaaqay maxaa xidhiidh ah oo ka
dhaxeeya, gaar ahaan ururada furitaankooda ku sheegay in ay
dhallinyaradu ka mid tahay ururadaasi, taasi oo keentay in dadka
qaarkii isku khaldaan SONYO oo dhallinyarada matala ysa iyo
xidhiidhka ka dhaxeeya ururadan.
Hadaba waxaanu si cad bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay
joogaan ku war gelinay naa, halkana ka caddaynaynaa in aanay SONYO
oo huwan magaca dhallinyarada Somaliland aanay urur gaar ah iyo
kooxo toona magacooda kaga mid noqon, balse SONYO u taagan ta hay
himiladii loo aasaasay oo ah in ay ahaato Dallad kulmiya
dhallinyarada Somaliland oo da nahooda ka hadasha balse aan si toos
ah uga mid noqonayn magaceedana kaga qayb gala yn siyaasadda.
SONYO waxa ay dadaalka ka qayb galka siyaasadeed u gashay waxa uu
ahaa arrin la xidhii dha Ujeedada loo aasaasay dalladda oo ah in ay
dhallinyarada u dooddo, aragtidooda gudb iso una raadiso dhammaan
xuquuqaha siyaasadeed ee aasaasiga ah iyo ka qayb galka tala da
dalka . SONYO waxa ay u halgamaysaa dhallinyarada Somaliland in ay
helaan xaquuqah ooda dastuuriga ah ee sharciyadda wadanku u
bannaynayaan balse ma aha urur siyaasas eed.
Ururada siyaasaseed ee imika lagaga dhawaaqay dalkana wax xidhiidh
ah oo ay la leedaha y mid kali ah aanay Jirin. Xubin kasta oo
dhallinyaro ah oo reer Somaliland ahi waa ay ka q ayb gali karaan
munaasibadaha ururada lagaga dhawaaqaayo balse magaca SONYO cid hu
wan oo urur hore uga qayb gashay ma jirto imikana ma jiri doonto.
Qofka dhallinyaro ah ee hammi siyaasadeed lihi waxa uu u madax
bannaan yahay in ururka uu doono uu gali karo, SONYO wax gacan ah
arrintaa kuma laha shaqadeedana ma aha kaliya waxa ay u taagan
tahayd in ay dabarada sharci ee dhallinyarada caqabadaha ku ah
meesha ka saarto si dha llinyaraddu xogooda iyo hamigooda
siyaasadeed umuujiyaan, waana xafiis aan isagu siyaa sad ku shuqul
lahayn. kuna koobnaan doona oo kaliya wixii loo aasaasay.
Ururada siyaasaseed ee dhallinyarada u muujiyay dareenka wanaagsan
ee ku taammaya in ay safka hore ka dhigaan, waanu ku hambalyaynaynaa
waxaanay mudan yihiin sharaf iyo qadarin, balse waxaanu ka digaynaa
in ay kaliya ka noqoto arrin ay ololaha ku galayaan oo ay
dhallinyarada cod kaga doonayaan, waxaanan ugu baaqaynaa in ay
dhallinyarada xoo gooda ka faa’iidaystaan oo ay fursad u siiyaan ay
ku hogaamin karaan ururada si ay talada dalka qaybtooda kaga aadan
uga guntadaan.
Allaa Mahad Leh
Guddoomiyaha Dallada Dhallinyaradda
Heer Qaran ee SONYO
Axmed Cabdi Wacays
Hargeysa, Somaliland
|