Xisaab-xidhkii munaasabadda 18 May ee UK
11/06/2013
War-saxaafadeed
Bismillaahi Raxmaani Raxiim,
Xadiis baa ina faraya "ama wax khayr le sheeg ama iska aamus"
Waxa (10/06/2013) ka dhacay galbeedka London ee xarunta Nadi Park
Royal kulan ay yeesheen gud didii soo qabanqaabisey xuskii balaadhnaa
ee 18 May ee lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee Bar net football
club. Ujeeddada kulanku waxay ahayd in laga hadlo sida ugu quruxda
badan ee loo gaadh siin lahaa agoomaha iyo darbi-jiifka reer
Somaliland kharashkii munaasabadda ka soo baxay sidii qor shuhu ahaa.
Waxa kale oo ay guddidu ka wada hadashay been abuurka iyo tuhunka
qaldan ee lagu baahiyey sax aafadda internet-ka qaarkeed taas oo lagu
aflagaadeeyey xubno ka tirsan guddida qabanqaabada.
Waxaanu halkan ku caddeynaynaa in lacagtii ka soo baxday
munaasabadda marka laga gooyey khara shkii ku baxay xuska gacan
ammaana ku jirto oo la hayo, dhakhsana loo gaadhsiin doono agoomaha
iyo derbi jiifka Somaliland. Kirada garoonka oo kaliya waxay ahayd
£9,000 iyo £1,000 oo deebaaji ah oo maamulka garoonkuna u qaatay
qalab garoonka laga jabiyey. Intaa waxa dheer khrashkii kalee ku
baxay munaasabadda. Sidaa darteed tuhunka iyo been abuurka laga
sameeyey guddida qabanqaaba d a siiba Safiir Cali Adan Cawaale iyo
Guddoomiyaha SSUK -Cabdala Saalim oo kala ah Guddoomiyaha iyo
Xoghayaha guddida qabanqaabaduna yahay been cad oo aan sal iyo raad
lahayn.
Waxa 23/5/2013 guddiga oo dhallin iyo waayeel isu dhammi u
fadhiisteen kulan lagu lagu lafa guray kharashkii ku baxay
munaasabadda iyo wix kharash soo hadhay. Waxa dhammaan laysla qaatay
xisa abta ah in lacagta guud ee ka soo baxay munaasabaddii 18 May ee
London UK tahay lacag dhan £21,335 oo ku sar go'an tigidhadii la
iibiyey. Waxay kiradii iyo kharashkii kale ee ku baxay munaasa baddu
noqdeen £13,616. Lacagta inta soo hadhay oo ah £7,739 ayaa si wada
jir ah laysula qaatay in la gaadhsiiyo sidii hore loo qorsheeyey
agoomaha iyo darbi-jiifka Somaliland. Lacagtan soo baxday
dhammaanteed waxay guddigu go'aamisay in sida ugu dhkhsaha badan
guddidu u qabato munaasad lagu soo casumi doono warbaahinta
Somaliland si iyadoo tifatiran looguna wareejiyo dhalinyarada
guddida ka tirsan ee u xilsaarnaa inay gaadhsiiso agoomaha iyo derbi
jiifka Somaliland.
Dhallinta cabanaysa
Dhallinta warbaahinta cabashada soo galiyey (video) guddigay kamid
ahaayeen, xisaab xidhka way fadhiyeen waana lagu wada qancay, waxa
laysla gartay in Isiniintii bisha May ahayd 27 munaasabad lacagta
iyaga lagu wareejinayo la qabto oo si daahir yaa shamis ah oo
warbaahintu joogto loogu war eejiyo, balse shirkii may iman oo way
kaga baxeen guddidii oo lacagtii sidda.
Mar kale ayaa Axaddii 2/06/2013 fursad la siiyey kadib markay soo
hadleen iyagoo yidhi waanu ogg ollahay inaanu madal warbaahintu
joogto kula wareegno , markay meeshii yimaaddeen ee lacagtii lo ola
diyaar yahay bay haddana yidhaadeen ma oggolin in saxaafad la keeno,
mana saxeexayno rasii dhka lacagta lagu bixinayo, hana naloo dhiibo
lacagta. Arrintaasi way u cuntami weyday guddida oo ku adkaystay
inay sharafta guddidu ku jirto in madal markhaati leh lagu wareejiyo
lacagta.
Guddigu waxay garan la’dahay sababta ay dhalliyaradu u diiddan
yihiin inay madal markhaati leh oo warbaahintu joogto kula wareegaan
lacagta saxeexaana heshiiska ay lacagta kula wareegayaan.
Go'aanka guddiga
Guddigu waxay taariikhdan (10/6/2013) go'aamisay in sida ugu
dhakhsaha badan lacagta loo gaadh siiyo dadkii markii horeba loogu
talo galay balse loo dhiibo cid ahlu khayr ah oo madal ay warbaahin
iyo waayeelba wada joogo loogu dhiibo.
Ummad Muslim ah ayeyny nahay dadka xumaanta wareejinaya waxaanu
leenahay muddo dheer baan u hawshan mutadawacnimo ku soo wadnay,
ilaahay ka baqa. Guddigu ma gaydo been abuurka intan leeg ee laga
samaynayo.
Codsi saxaafadda iyo dadka Somaliland
Waxanu ka codsanaynaa warbaahinta iyo dadweynaha Somaliland in ay
iska hubsadaan oo aanay ba ahin wararka been abuurka ah ee dadka kala
fogaynaya, midnimada reer Somalilandna dhaawacaya. Guddida
qabanqaabada 18 May waa guddi tadawuc ummaddooda ugu shaqaynayey oo
wakhtigoogii iyo lacagtoodiiba galiyey sidii ay xus wanaagsan oo
aynu ugu dabbaaldagno 22 guurada Somaliland reer UK ugu dhici lahaa.
Alxamddu lillaah xus wanaagsan oo wacan baa inoo qabsoomay. Alla ha
loo mahad naqo iyo intii sida sharafta leh uga qayb qaatay.
Guul iyo gobannimo ayaanu u rajaynaynaa ummadda Somaliland meel
walboy joogaan.
Allaa mahadleh
Guddidii qabanqaabada 18 May ee UK
|