WAR-SAXAAFADEED

 


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wa xa uu Digreeto madaxweyne No: JSL/M/XERM/2491283/082012 Xilal kala duwan ugu magacaab ay wasiirka Wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta, wasiirku xigeenka Wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta JSL, Gudoomiyaha Gobolka Gabiley, Afhayeenka Madaxtooyada JSL, iyo Maareey aha Telefishanka Qaranka ee madaxa banaan.



Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda wayn ee ay Wasaaradu u leedahay Dalka iyo Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadan hoos ku xusan,

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilka loo magacaabay,



Wuxuu goaansaday

1. In Mudane, Abiib Diiriye Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee JSL.

2. In Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee JSL.

3. In Mudane, Axmed Saleebaan Dhuxul, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

4. In Mudane, Axmed Cali Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.

5. In Mudane, Khadar Cali Gaas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Telefishanka Qaranka madaxa bannaan ee Qaranka Somaliland.





Dhinaca kale madaxweynaha Somaliland waxa uu soo saaray xeer cusub oo ah maareeyaha guud ee telefishanka qaranka, waxaanu yidhi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wax a uu Digreeto madaxweyne No: JSL/M/XERM/249-1288/082012 ku soo saaray xeerka Abuurid Maareeye Madax bannaan oo maamula TV-ga Qaranka JSL (Creation of an autonomous National TV Managing Directorate of Somaliland) .



Madaxweynuhu:-

Markuu arkay; Qodobka 90aad ee Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu arkay; Baahida loo qabo in Dalku yeesho Telefishan Qaran oo madax bannaan,

Markuu arkay; Inay lagama maarmaan tahay abbuurrid maareeye u madax bannaan maamulka iyo maareynta hawlaha baahinta gudo iyo dibedba u soo bandhigida barnaamijyada horumarineed ee dhismaha Qaranka,

Markuu tixgeliyey; Tijaabadii iyo talooyinkii masuuliyiinta kala duwan

Markuu Tixgeliyey; Ahmiyada weyn ee abuurida Maareeyahani ugu fadhiyo danaha Qaranka,

Wuxuu soo saaray Xeerkan

Qod. 1 aad Waxa la abuuray Maareeye madax bannaan oo maamula TV-ga Qaranka.

Qodob. 2aad Waa Maareeye siyaasad ahaan, kormeer ahaan, talo iyo tilmaan ahaan hoos imanaya Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta, iyada oo warbixintana

uu si joogta ah ula socodsiinayo Wasiirka iyo cidii uu xilsaarto Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta (Line Ministr).

Qod. 3aad Wuxuu masuul ka yahay baahinta wararka, barnaamijyada Siyaasadeed,

dhaqaale iyo bulsho ee qaran gudo iyo dibedba oo leh maqal iyo muuqaalba

Qod. 4aad Maareeyaha Telefishanku wuxuu yeelanayaa qaab- dhismeed u gaar ah.

Qod. 5aad Sharcigani wuxuu dhaqan galayaa marka Madaxweynuhu saxeexo.




Waxa uu madaxweynaha Somaliland magacaabay la taliayaha arrimaha siyaasadda ee madaxwe ynaha, ka dib markii uu abiib diiriye nuur oo xilkan hore u hayay loo magacaabay wasiirka warfaa finta iyo wacyigelinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wa xa uu maanta Digreeto madaxweyne No: JSL/M//XERM/249-1285/082012 ku magacaabay La-t aliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda.



Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad ee Distoorka Qaranka,





Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay La Taliyayaasha Madaxweynuhu u leeyihiin Dhismaha Qaranka,





Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadan hoos ku xusan,





Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,





Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay,



Wuxuu goaansaday



In Mudane, Daauud Khayre Kaahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madax weynaha ee Arrimaha Siyaasadda.

 

 



ALLAA MAHAD LEH



Naasir Yuusuf Daahir

Xog-hayaha Gaarka ah ee Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.