Warsaxaafadeed
Date : March 16 , 2011
Madaxweynaha JSL Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu
maanta Qasri ga Madaxtooyada kulan kula yaeeshay Gudoomiyey-yaasha
Gobollada Dalka waxaanu ka dh egaystay warbiximo iyo Xog-waran la
Xidhiidha Xaalada Guud ee Gobollada Dalka.
Ugu horayna waxa ay Badhasaabadu ka warameen Saamaynta ay Abaaruhu
ku yeesheen N olosha Dadka iyo Xoolaha iyo Dedaalka ay
Xukuumada iyo Shacabiguba ka gaysteen Samata bixinta Culayska ay
Biyo la’aantu ku hayso Dadka iyo Xoolahaba.
Waxa kale oo ay ka warameen Dhinaca Nabad-gelyada oo ay sheegeen in
ay xaalada nabad-gelyada Dalku inta badan ay wanaagsantahay.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud
Siilaanyo ay aa markaa ka dib Badhasaabada uga waramay
Siyaasada iyo Qorshaha Xukuumada ee ku a adan horu-marka, Kor
u qaadidda Dhaqaalaha iyo Adkaynta Nabad gelyada.
Madaxweynuhu waxa uu Gudoomiye-yaasha kula dardaarmay in ay dadka ku
dhaqaan Cada alad una soo jeedaan Nabad-gelyada iyo Midnimada
Shacbiga Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu Gudoomiye-yaasha u sheegay in ay had iyo jeer
ku dadaalaan in a aanay Xafiisyadoodu noqonin kuwo laga Cawdo
Balse ay noqdaan kuwo la mahadiyo.
Kulankan waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey , Madaxweyne Ku xigeenka
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha
Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose. Iyo Chief of Cabinet-ka
Madaxtooyada Mudane. Xirsi Cali Xaaji Xasan,
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|