War Saxaafadeed

 


 


Taariikhda: 24/11/2010



Weftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaan yo, oo booqasho ku jooga dalka boqortooyada Ingiriiiska, ayaa saaka Xarunta Wasaarada  Arrim aha Dibada ee Ingriiska kula kulmay wasiirka arrimaha Afrika u qaabislan dalka Boqortooyada  Ingi riiska Md. Henry Bellingham iyo saraakiil sare oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada.

Kulankan waxa Madaxweynaha ku weheliyay Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. maxamed C/llaahi Cumar, Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya dalkan Britain Md Axmed Cumar Sangoore.

Madaxweynuhu wuxu uga xog waramay dedaalka Jamhuuriyada Somaliland ugu jirto dhisme qaran oo ku taagan Dimuquraadiyad, cadaalad, Maamul wanaag, iyo horumarka dhinacyada badan ee  So maliland ku tallaabsatay.

Wasiirka arrimaha Afrika ee Ingiriiska Md Bellingham, ayaa Somaliland ku amaanay dimuqraadiyada ka hanaqaaday iyo dedaalka ay ugu jirto sidii ay uga mid noqon lahayd beesha caalamka. Waxa  ka le oo uu ka xog waraystay Madaxwaynaha iyo waftigiisa xidhiidhka Somaliland la leedahay  wadda mada deriska.

Kulankan waxay labada dhinac si qoto dheer uga wada xaajoodeen sidii Somaliland uga mid noqon lahayd Ururka Barwaaqo sooranka ee Commentwealth, arrimaha Nabadgalyada, kor u qaadida  mu caawimada dowladda Ingiriisku siiso Somaliland, iyo sidii dowladda Ingiriisku gacan uga geysan  lah ayd doorashooyinka Somaliland ee Baarlamaanka iyo Degaanka.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga Dr. Maxamed C/llaahi Cumar iyo Wasiirka  qor sheynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire ayaa kulanka ka dib waxay warbixin dheeraada oo la xidhiid ha arrimaha nabad galyada, budhcad badeeda iyo siyaasada mandaqada siiyeen hawlwadeenada wasaarada arrimaha dibada ee Ingiriiska.

Waftiga Madaxwaynuhu waxay isla galabta booqasho ku tageen Aqalka odoyaasha ee Barlamaan ka (House of Lords), halkaas oo warbixin ay kula qaateen Waftiga Madaxwaynaha iyo Lord St. Joh ns of Bletso.
 

 


Allah Mahad Leh

Hersi Ali H. Hassan
Chief Of Cabinet