Warsaxaafadeed

 

Hargeysa (TNN)- Warsaxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Gaarka ah ee  Madaxwe ynaha, Mudane, Axmed Maxamed Ciise, oo uu ka soo saaray Magaaladda Addis ababa ayaa waxa uu u qornaa sida tan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo wefitigii uu hogaaminayey ayaa maanta soo gaadhay  Maga alo Madaxda Dalka Ethiopia ee Addis Ababa, iyadoo Madaaarka ay si diirran ugu soo dhaweeyeen, madax sar sare oo ka socotay Dawladda Ethiopia oo uu horkacayey, Wa siiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Debedda, Mudane, Dr. Tekeda Alemu iyo Madax Sare oo ka socday Dawladda Somaliland oo uu horkacayey Wasiirka Wasaaradda  Arri maha Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo weftiga halkan ku sii  suga yey.

Madaxweynuhu maanta intaanu ka soo ambabixin Dalka Djibouti, wuxuu kulan la  yees hay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane, Ismaaciil Cumar Geelle, kullank aasi oo labada Madaxweyne ay iskaga waraysteen xaaladda Gobolka Geeska Africa gaar ahaanna ka labada dal ee walaalaha ah Somaliland iyo Djibouti.

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa immaantinkoodii Djibouti ku soo dhaweeyay gegida diyaaradaha ee magaalada Djibouti, Raiisal Wasaaraha Dalka Djibouti, Mudane Dileita Mohamed Dileita, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane, Cali Cabdi Faarax iyo  W asiirka Wasaaradda Caddaaladda, Mudane Siciid Barkhad.


Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay maalinta berri ah guda gali doonaan hawlahoodii shaqo ee Dalkan Ethiopoia, hadduu eebe idmo.