WARSAXAAFADEED

 

January 31,2011 (TNN)-“Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud - Siilaanyo ayaa waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada JSL ku qaabilay Wefti Balaadhan oo ka kooban 6 Xubnood oo uu  hor ka cayo Wasiirka Iskaashiga iyo Xidhidhka Caalamiga ah ee Dawlada Ingiriiska Mr. Andrew Mitchell.

Kulanka Weftigan oo ahaa kii ugu horeeyey ee noocisa ah oo ay Dawlada Ingiriiska iyo Dawlada  Soma lila nd wada yeeshaan waxa uu Madaxweynuhu Weftiga uga waramay dadaalka ay Somaliland ugu jirto Qaran ku dhisan dimuquraadiyad, cadaalad iyo maamul wanaag.

Madaxwweynuhu waxa uu Weftiga Warbixin mug leh ka siiyey sida ay Somaliland wax u qabsatay, dhin acyada dhaqaalaha, nabad-gelyada iyo dawlad-nimada. Waxaanu sheegay in ay Somaliland Beesha Caalamka Ka dalbanayso in la Aqoonsado oo ay ka mid noqoto Qaramada Caalamka ee Midoobay, Isla markaana ay buuxisay shuruudihii oo dhan.

Geesta kalena Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uu si wayn uga mahad-naqay Niyad Samida ay  Dawla da Ingiriisku u muujisay J. Somaliland iyo Booqashada ay ku yimadeen Dalka Somaliland.

Dhinaca Weftiga waxa u hadlay Wasiirka Dawlada Ingiriiska waxaanu Somaliland ku Amaanay  Xidhiidh ka iyo Wadda Shaqaynta ka Dhaxaysa Labada Dawladood ee Somaliland iyo Dawlada Ingiriiska oo ay ka mid yihiin:-

1. Dhinacayada Nabad-gelyada Iskaashiga Dhanka, Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha, Adeegyada Asasiga ah ee Bulshada iyo Ka hortaga Afooyinka Abaaraha.

2. Wasiirku Waxa uu Shirka kaga Dhawaaqay inay Go’aansatay Dawlada Ingiriisku in ay laban-laabayso Mucaawimada ay Dawlada Ingiriisku ku caawin jirtay Somaliland.

3. Waxa kale oo uu Wasiirku Cadeeyey in Halkii Berigiii hore ay Dawlada Somaliland ay ka heli jirtay 40% Gar-gaarka loogu Tallo-galay Somaliland iyo Somaliya in loo bedelay Inay Somaliland Hesho 62% Kaalmada Dhaqaale ee ay Dawlada Ingiriisku Somaliland iyo Somaliya Siiso

4. Waxa kale oo ay Dawlada Ingiriisku Cadaysay in ay Somaliland u samaynayso Sanduuq Dhaqaale oo lagu Shubo qaar ka mida Lacagta Gar-gaarka oo ay Dawlada Somaliland iyo Dawlada Ingiriisku si wada jira u maamulaan

Kulankan oo qiimo wayn ugu fadhiya Somaliland waxa ay xukuumaddu weftiga u soo bandhigtay qorsheheeda dhinacyada Dhaqaalaha, Nabad-gelyada, Cadaalada, Horu-marinta, Waxbarashada iyo Caafimaadka iyo Tayeynta Shirkadaha Gaarka loo leeyahay iyo Meelaha uu Qorshahani uu gacan qabashada uga baahan yahay.

Wasiirka Xidhidhka Caalamiga ah ee Ingiriiska ayaa isaguna Madaxweynaha iyo Xukuumada Somaliland-ba uga mahad naqay soo dhawaynta iyo warbixinta ay ka siiyeen Dalka J. Somaliland.

Ugu Danbayn Wasiirku waxa uu ku bogaadiyey Somaliland Isbedelada Muuqda ee Dhinacyada Siyaasada, Nabad gel-yada Waxbarashada iyo Caafiamadka, waxaanu ku nuux-nuuxsaday inay ka go'an tahay Dawlada Ingiriiska inay Garab Joogsato Deddaalka ay Shacabka iyo Xukuumada Somaliland ay kuwada Jiraan sidii ay u noqon lahayeen dal la aqoonsan yahay oo ka mid ah Caalamka.

Dhinaca Xukuumada Somaliland waxa Madaxweynaha kulanka ku Wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Debeda, Wasiirka Qarshaynta Qaranka, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Maaliyada.”

 



ALLAA MAHAD LEH.


Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.