WARSAXAAFADEED

 

Date: October 11, 2010

Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) oo ay weheliyaan W asiirada Gaashaandhiga, Warfaafinta iyo Cadaaladda ayaa ka qayb galay kulan Balaadhan oo lagu soo Bandhigay Daraasad ay in mudo’ahba ku hawlanaayeen Guddi Heer Qaran ah oo ka  k ooban Saraakiisha waa wayn ee dalk JSL.

Kulankan oo ka dhacay Miiska Saraakiisha waxa uu madaxweynuhu warbixinta Daraasadan ka dhegaystay xubno kamida Gudida saraakiisha ah ee soo diyaarisay.

Madaxweynuhu waxa uu gudida ka gudoomay Dhawr buug oo ay ka diyaarisay Daraasadan oo nuxurkeedu ku urursan yahay sidan:-

1. Sharciyada Ciidamada
2. Derajooyinka Ciidamad
3. Iyo Qaab dhismeedka Ciidamada


Gebegabadii kulanka Hadal kooban oo madaxweynuhu halkaa ka jeediyey waxa uu marka hore Gudida, Wasaarada Gaashaan Dhiga, Taliska Ciidanka Qaranka iyo Cidkasta oo Gacan ka gaysatayba ku boogaadiyey Daraasadan Kulanka lagu soo ban dhigay oo uu Madaxweynuhu Sheegay inay tahay mid qiimo wayn dalka ugu fadhidda.


Madaxweynuhu waxa kale oo uu Qudbadiisaa ku amaanay dhamaanba ciidamada dalka oo uu sheegay in ay Kaalin weyn kaga jiraan dhismaha Dawladnimada, Adkaynta Nabad gelyada iyo Difaaca qaranka, waxaanu ku amaanay Adkaysiga ay u leeyihiin Xil gudashadooda.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay tahay hawshani bilawga dadaalka ay xukuumadu  doon ayso ee Balan qaadkeedu ahaa inay ciidamadu Derajo-yeeshaan.

Ugu danbayn waxa uu madaxweynuhu balan qaaday inuu daraasadan iyo tala bixinta  guddi daba fulindoono kolba intii ay awoodu saamaxdo.

 



ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )


Af-hayeenka Madaxtooyada JSL