WARSAXAAFADEED
Waxaa
nasiibdarro ah inay Kommishanka iyo Xukumadu dhegaha ka fur
eesteen dhammaan baaqa iyo codsiga ka soo yeedhay Baarlama
anka, Xisbiyada Qaranka, waxgaradka, shacab weynaha iyo
bulshada caala mkaba.
Hargeisa (Longlivesomaliland News)Go’aanka Guddiga Doorashooyi
nka Qaranka iyo Riyaale wada qaateen ee laalista diwaangelintu
wuxuu sa babay in shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaan
aad uga cadho odeen, iyagoo ku tilmaamaay inuu go’aankaasi
ahaa mid aan laga fiirsan oo lagu degdegay.
Go’aankaasi uu Kommishanka Doorashooyinku ku dhawaaqay wuxuu
no qday mid dhaawac weyn u geestay dadaalkii iyo hawshii
ballaad hneed ee ay wada jirka u qabteen shacbiga Somaliland oo
naftoodii iyo maal koodiiba u huray hirgelinta mashruuca
diiwaaangelinta iyo qaadhaan bixiyayaasha caalamiga ah oo
maalgeliyey isla markaana si hagar la’aan ah kaalin wax ku oola ka
qaatay meelmerinta mash uu cani.
Dhacdadani, waxaa kaloo ay sababtay inuu Kommishanku dalka ka eryo
madaxii Hayadda Interpeace ee u xilsaarneed hawlaha diiwaa
ngelinta iyo doorashooyinka.
Tallaabadaasi uu Kommishanku qaaday waxaa kaloo ay dareen gali
say bulshada caalamka ee sida aadka ah u danaynaysay deganaa
shaha iyo geedisocodka wanaagsan ee dimoqraadiyada curdinka ah.
Dhacdadani waxaa kaloo ka hadlay shirguddoonka labada Gole ee
W akiilada iyo Guurtida, waxayna labada Gole ka codsadeen Komishanka
Doorashooyinka Qaranka iyo Xukuumada inay ka noqdaan go’aanko
oda, isla markaana dib dalka ugu soo celiyaan madaxii Hayadda
Inter peace.
Waxaa nasiibdarro ah inay Kommishanka iyo Xukumadu dhegaha ka
fu reesteen dhammaan baaqa iyo codsiga ka soo yeedhay
Baarlamaan ka Xisbiyada Qaranka, waxgaradka, shacab weynaha
iyo bulshada caalamkaba.
Hadaba markii ay Xukuumadu ogaatay inaanay suurgal aheyn in la
aqbalo go’aanka u gaarka ah ee doorasho diiwaangelin la’aan ah, ayaa
Xukuumadu waxay bilowday olole dhalanteed ah.
Guddiga doorashooyinku ma magacaabin Guddoomiyeyaashii Gobolla
da iyo Degmooyinka ee Komishanka Qaranka. Xukuumadu ilaa hadda may
diyaarin miisaaniyadii doorashada. Hadana waxaynu arkaynaa UDUB oo
keligeed garoonka ku ciyaaraysa oo Komishankuna u sacabi naayo.
Xisbiga KULMIYE wuxuu aad iyo aad ugu boggaadinaya shacbiga
Somaliland ee dhabarka u jeediyey ololaha dhalanteedka ah ee Xisbiga
UDUB. Maanta ummaddu waxay aragtaa talada guracan ee UDUB doonayso
inay keligeed dalka ku maamusho. UDUB waxa ka soo dhago weyn inay
bari tidhaahdo waan isdoortay, oo waan idin xukumayaa shan sanno oo
danbe, nasiib wanaag shacbigu maanta taas wuu ka feejigan yahay,
waanuu muujiyey dareenkiisa in aanay ka aqbalayn qofna tallo
maroorsi iyo afduub.
Xisbiga KULMIYE wuxuu si cad ugu sheegaya ummadda Somaliland in aanu
marnaba ka aqbalayn Xisbiga UDUB iyo Komishanka wax wada hadal ah
iyo gorgortan oo ku saabsan liiska uu soo saaray Server-ku.
Xisbiga KULMIYE wuxuu ogolaaday Liiskaas Server-ku soo saaray oo uu
diyaar u yahay inuu doorasho ku galo.
Xisbiga KULMIYE wuxuu si cad ugu sheegaya shacbiga Somaliland in
aanay suurtagal ahayn muddo kordhin danbe oo Xukuumada loo kordhiyaa,
maadaama heshiiskii Guddiga dhexdhexaadintu soo afjaray arrintaa.
Wa Billaahi Tawfiiq.
Md. Kayse Xasan Cige
Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE
Xarunta Dhexe ee Xisbiga KULMIYE
Somaliland, Hargeysa
|