War saxaafadeed

 

 


Date: Feb 12, 2011


Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Caawa kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Wefti ka socda Wadanka Ingriiska oo ka koobna Ganacsato iyo  Ma al-gashadayaal.

Weftigaas oo ka socday Ururka loo yaqaan Anglo-Somaliland Chamber of commerce oo Dalka u yimi inay dhamaystir ku sameeyaan xidhiidh hore oo uu Madaxweynuhu kula yeeshay Wadanka Ingriiska markii uu Booqashada ku tegay badhtamihii bishii December ee sanadii 2010 ee Inna dhaafay.

Waxa kale oo ay u yimaadeen Weftigu inay helaan xaqiiqooyin ku saabsan sidii ay u abuuri lahaaye en fursado ay maal-gashi ku sameeyaan dalka.

Kulanka Weftigan oo jewi wanaagsan laysku qaabilay waxa ay Madaxweynaha u sheegeen in ay ka sidan Xafiiska Arrimaha Debeda Ingiriiska Casuumad Sadex Wasiir oo Xukuumada Somaliland ka  Tir san oo ka qayb gala Shir balaadhan oo Ganacsi iyo Maal-gashi ku saabsan oo dhexmara labada Dal oo ka dhicidoona Magaalada London ee Wadanka Ingiriiska Dhamaad ka Bish March ee Fooda inagu soo haysa Arrintaas oo ah tii ugu horaysay oo Heer Laba Dawladood ah aynu wax u wada qabsano

Madaxweynuhuna Waxa uu Dhiniciisa Faah-faahin Balaadhan oo mugleh ka bixiyey Halka uu  Maraa yo Huru-marka Dalkan Somaliland isaga oo ku soo Dhaweeyey kuna Dhiiri geliyey inay Maal-gashi ku sameeyaan Dalka

Madaxweynaha waxa kulankan ku Wehelinaayey Wasiirada . Kaluumaysiga Khayraadka Bada, Macd anta iyo Biyaha, Beeraha, iyo Qorshaynta Qaranka.

Weftigan oo dalka ku sugnaan Doona Shan maalmood waxay kulmo la yeelan donaan Gacnasatada Dalka iyo Qaybaha kala Duwan Ee Bulshada.

 



ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL