Warsaxaafadeed
 

 

Sep 28,2010


Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) Waxa uu maanta  ku lan Saacaddo Qaatay Xafiiskiisa kula yeeshay Madaxda Hay’adaha Madaxa Banaan ee Dalka.

Madaxweynuhu waxa uu Madaxda kulankan ka soo qayb gashay kaga Dhegaystay Warbiximo ay ka bixiyeen Hay’adaha ay Madaxda ka yihiin iyada oo masuul walba uu warbixintiisa uu si  T afatiran u soo Bandhigay Hawsha iyo xilka ay Qaranka u hayso Hay’ada uu Madaxda ka yahay, xalada ay Hay’adu ku sugantahay, Caqabadaha Horyaala iyo Kuwa ay Furdaamiyeen iyo  weli ba Qorshaha ay Hay’adu fulindoonto Mudada Dhaw iyo kuwa ay Damacsan tahay inay  Mustaq balka fulinayso.

Madaxweynaha JSL ayaa Madaxda kulanka ka soo qayb gashay ka Dhegaystay Warbixintaasi waxaanu masuuliyiintaa ku amaanay Sida ay ugu Diyaarsanyihiin Hawsha ay u xilsaaran yihiin, waxaanu kula dardaarmay in ay Warbiximahan Tafatiran ee ay u soo jeediyeen ka  Dhabeeya an oo ay Ficil u bedelaan.

Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiintan u sheegay in ay yihiin Baalasha uu ka sugaayo in ay ka Dhabeeyaan isbedelka ay umadu ka sugayso Xukuumada.

Ugu Danbayna waxa uu Madaxweynuhu Maddaxda Hya’adaha Madax banaan ee kulanka ka  s oo qayb gashay ku wargeliyey inuu Bilkasta Laba Goor kulankan oo kale layeelandoono  iyagu na waxay uga mahadnaqeen Madaxweynaha in aanay Fursadan oo kale hore u helin isla  mark aana waxay u balan qaadeen in ay Fulindoonaan Dardaarankiisa kana Dhabayn doonaan  Maa mul wanaaga uu ka rajaynaayo Madaxweynuhu.

Madaxda Hay’adaha uu madaxweynuhu Shirkan la qaatay waxay kala ahaayeen sidan:-

No Name Title State Agency

1- Axmed Mohamed Madar Gudomiye NIC

2- Cali Siciid Maareeye Madbacadda Qaranka

3 -Siciid Saleebaan Mire Gudoomiye SQCC

4 -Ibraahim Aadan Xisaabiye Guud Xisaabaadka Guud

5- Xasan Cismaan Aadan Maareeye Hay’adda Korontada

6- Xasan Aw Aadan Cabdi Gudoomiye H/Dib u habaynta

7-Aamina Cabdillaahi Axmed Gudoomiye Xuquuqda Iisaanka

8- Aamina Maxamuud Diiriye Maareeye Samafalka Madaxtoyada

9- Ibraahim Siyad Yoonis Maareeye W/Biyaha Hargeysa

10- Cali Cabdillaahi Daahir Gudoomiye ICT Commission

11- Cabdi Dirir Cabdi Gudoomiye Centeral Bank

12- Aadan Cabdillaahi Xasan Gudoomiye G.G.Qandaraasyadda Qaranka

13- Jamaal Caydiid Ibraahim Maareeye NDC

14- Cabdi waaxid Cabdiqaadir Maareeye SRA

15- Muxumed Aw Cabdi Gudoomiye Hay’adda Shaqalaha



ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL