War-saxaafadeed

 

 

Taariikh:24 January,2012


Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Maraykanka u Qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr. James Swan oo booqasho 2 maalmood ah ku yimid Somaliland.

Arrimaha ay ka wada hadleen waxa ka mid ah nabadgelyada guud ee geeska Afrika iyo saamayn ta ay ku leeyihiin argagixisada iyo budhcadbadeedu.

Waxay kaloo ka wada hadleen xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Dawlada Maraykank a iyo Somaliland oo soo xoogaysanayay mudooyinkii dambe, iyo sidii loo kordhin lahaa iskaashiga.

Wuxuu Madaxweynuhu ka mahadceliyay taageerada ay dawladda Ingiriisku u fidiso Somaliland ee dhinacyada adeegyada bulshada iyo kor-u-qaadida ilaha dhaqaalaha oo Madaxweynuhu ku tilm aamay inay yihiin halbawlaha horumarka dalka.

Dhinaca kale Safiirka Dawlada Maraykanka ee Fadhigiisu yahay magaalada Nairobi Md. James Sw an waxa uu tilmaamay in dawladiisu ay dhiiri-gelinayso horumarka la taaban karo ee ka taabo q aaday
Somaliland ee dhinacyada badan leh, wuxuuna sheegay in dawladiisu sii kordhin doonto wada sh aqaynta iyo taakulaynta ay u fidiso Somaliland, iyada oo ka duulaysa siyaasada Maraykanka ee mandaqada ee laba geesoodka ah, oo u fasaxaysa Maraykanku intuu si toos ah ula shaqeeyo So maliland.

Inta uu safiirku wadanka ku sugan yahay waxa uu la kulmayaa masuuliyiin ka tirsan qaybaha kala gedisan ee wadanka, waxaana uu soo kormeeri doonaa mashaariicda ay maalgeliso dawlada Maraykanku ee ka socda.



ALLAA MAHAD LEH



Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)


Af-hayeenka Madaxtooyada JSL