Warsaxaafadeed



 

Addis Ababa (TNN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey ee booqashada ku joogay Dalka Ethiopia  caasimad diisa Addis Ababa, ayaa waxay maanta xafiiskiisa kula kulmeen Madaxweynaha  Dawalad da Federaalka ee Ethiopia, Mr. Girma Wolde-Giorgis, halkaasi oo ay labada Madaxweyne isaga waraysteen xaaladda Guud ahaan Gobolkan iyo ta labada dal ee jaarka ah Ethiopia iyo Somaliland, kullankaasi oo ahaa mid aad u heersarreeya, jaw wanaagsan oo  farxadee dna la isku qaabilay, wuxuu ku soo gaba gaboobay is afgarad iyo jawi aad u wanaagsan.


Madaxweynaha JSL,waxa ku weheliyey kullankaasi, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha  Debe dda, Mudane  Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Waasaaradda Boosaha iyo  Isgaadh siinta, Mudane Cali Maxamuud Axmed ( Sandulle), Maareeyaha Dekedda Berbera, Eng. Cali Cumar Maxamuud, Mudane, Axmed Maxamed Ciise, Xog-hayaha Gaarka ah ee  Madaxwey naha JSL iyo ku Xiggeenka Wakiilka Somaliland ee Ethiopia, Mudane, Ayaanle Salaad”.





Allaa Mahad Leh
Axmed Maxamed Ciise
Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL