WARSAXAAFADEED

 



Hargeysa (TNN)- Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada JSL, Muda ne, Siciid Cadaani Mooge, ayaa waxa uu u qornaa sida tan “Madaxweynaha JSL. Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Waxaa u xalay Casho Sharaf ugu sameeyey Qasriga  Madaxtoo yadda Dr.kwadwo Afarigayan, Gudoomiyaha Gudida Doorashooyinka ee Dalka Ghana oo booqasho shan casho ah ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa ugu horantii ugu mahadnaqay Dr.kwadwo Afariyan booqashada uu ku yimi Somaliland waxana uu ku amaanay Dalka Ghana oo ah wadamada Qaaradda Africa ugu horeeya dhinacyada geedi socodka Dimuqraadiyada, isagoo xusay Madaxweynuhu booqashadii uu ku tagay Dalka Ghana sanadkii 2007-dii .



Isagoo ka hadlaya nabadgelyada iyo Dimuqraadiyada Somaliland ay ku caano maashay waxa Madaxweynuhu sheegay in Dawladiisa ay ka go’antahay in Dalka ay ka qabsoomaan Doorashooyin Xor ah oo Xalaal ah oo ay ugu horayso tii Madaxtooyadda, sidii kuwii hore ee Dalka ka dhacay.



Waxa kale oo Madaxweynuhu intaa raaciyey in kalsooni buuxda uu ku qabo in shacbiga Somaliland ay si nabadgelya ah u dhiiban doonaan Codkooda marka lagu dhawaaqo in Doorashadu ay dhici doonto.
 

 

Afhayeenka Madaxtooyada JSL

Siciid Cadaani Mooge