WAR-SAXAAFADEED

 

 



Wadahadaladii u dhexeeyey Xaqsoor iyo xukumada waxaa ka baxay dhinacii xukumada.

Ka dib marKii uu gudigii laba geesoodka ahaa ee wadahadalada ku jiray uu isla soo qaaday qodobo guud ayaa ururka xaqsoor ku dhawaaaqay inay diyaar u yihiin wareegii labaad ee loogu geli lahaa tafaasiisha qodobada guud, hadii laga helo dhinaca xukuumada. Iyada aan ay xukuumadu kasoo jawaaabin soo jeedintaas ayay imika magacowday Wasiir iyo Wasiiru dawle ka tirsanaa hogaanka xaqsoor iyaga oon magacaabistooda waxba ka waydiin hogaa nkii ururka.

Shicibka Somaliland waxaan u sheegaynaa in ururka xaqsoor daacadnimo ku galay wada ha daladaas. Waxaan ogolaanay inaanu la hadalo xukumada ka dib markii ay iyagu ku taliyeen inaanu wadahadalo yeelano. Waxaanu sidaas u yeelnay anaka oo dadka iyo dalka la jecel isafgarad iyo horumar iyo anaka oo ka cararaynay in naloo sawiro urur gar-maqaate ah. Waxa se noo muuqatay inaanay xukumadu daacad ka ahayn wadahadalada. Imika xukuma du talaaabadan, magacaabida waxay ku cadaysay inay ka maarantay heshiis dhamaystiran ooy la gasho ururka xaqsoor.

Waxaanu halkan ku cadaynaynaa mar kale, inaan Xaqsoor cidi uga lexejeclo badnayn Som aliland oonu sidii hore iyo si kasii wanaaagsan ugu sii shaqayndoono midnimada, sharafta, cadaalada iyo xaqsoorka iyo horumarka dadka iyo dalka qaaliga ah ee Somaliland.
 

 


Gudoomiyaha ururka Xaqsoor

Xasan Ciise Jaamac