Warsaxaafadeed ka soo baxay xisbiga talada

ee UDUB
 


“Cumar Cabdirashiid Waa Riyo-ku-nool Aan Xaqiiqada Dhabta ah La Socon.”
War-saxaafadeed:-


“Cumar Cabdirashiid Waa Riyo-ku-nool Aan Xaqiiqada Dhabta ah La Socon.”


War-saxaafadeed:-


Waxaan jeclahay inaan halkan ku soo gudbiyo war-saxaafadeed kooban, oo aan ugu talo-galay inaan ugu jawaabo Raysal Wasaarada dawlada Sheekh Shariif Mr. Cumar Cabdirashiid, kaas oo todobaadkan aynu ka soo gudubnay si badheedh ah u shaaciyey hadalo qadaf ku ah karaamada, dawladanimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyada Somaliland.

Mudane Cumar waxa uu si ula-kac ah u sheegtay inuu Raysal Wasaaraha Ingiriiska u gudbiyey qoraal uu ku macneeyey qaabta lagu soo celinayo ammaanka Somaliya oo uu xusay inay Somaliland-na ku jirto, iyo arrimo kale oo aan looga-ba fadhiyin in nin masuul ahi ku hadlo.

Waxaan marka hore leeyahay Cumar Cabdirashiidow, waxaad tahay riyo-ku-nool aan xaqiiqada dhabta ah la socon, isla mar ahaantaana waxaad baal-marsan tahay  xaqii qada biyo-kama-dhibcaanta ah ee aan indhaha laga qarsan karin ee Somaliland ka  jir ta. Sababtuna waxa ay tahay labada nin ee aad sheegtay inay Somaliland u dhasheen ee kooxda Al-shaab u sareeya, Somaliland dil ayay kaga xukuman yihiin, oo waxa ay ka mid yihiin dambiilayaasha ay Somaliland baadi-goobayso inay mar uun abaalkooda  mar siiso. Sidaa li’ajligeed nimankaasi niman Somaliland loo nisbayn karo way ka fog yihiin.

Mida kale waxaa la yaab leh sida uu Cumar u arkay labada nin ee la sheegay inay Kismaanyo Joogaan, balse uu u arki waayay kuwa hoos humbaalaynaya ee uu madaxa burcadka u marinayo, iyaga oo aan cidna metelin ah-na danaystayaal habawsan.
Annaga, Nimankaas Cumar Cabdirashiid ayay isaga-kaaya-dhaw yihiin, oo ay ku wada hadaaqayaan riyada beenta ah ee odhanaysa ‘Somaliland waxa ay ka tirsan tahay Somaliya.’ Fikradaas, oo sidii malab hareeraha ka wada leefaan, marka lagu daro xaynta dibad-meerka ah ee ugu xaraysan Golihiisa Wasaaradeed iyo Baarlamaan ku sheega magac-u-yaalka ah.

Waxa kale oo yaabkeeda leh oo riyooyinkiisa ka mid ah, marka uu leeyahay waxaanu dejinay qorshe nadabayn ah oo ay Somaliland ku jirto, iyada oo la ogyahay inuu  mag aaladii uu xukumayay uu nabadayn kari waayay, isla markaana uu awood u waayay inuu xasilooni ku soo celiyo degelkii uu ka talinayay oo aynu arkayno maalin-ba  maa linta ka dambaysa inay ka sii cagan-baxayaan, hadana uu u soo doolaalo-tagayo Somaliland. Malaha Cumar Cabdirashiid ma xafidsana maahmaahda Soomaaliga ah ee tidhaahda ‘Tiisaba daryeelaa tu kale ku dara.’

Shirka uu ka dhawaajiyey Mudanehaasi ee uu leeyahay waxaanu la yeelanaynaa  Som aliland marka ay doorashada dhamaystaan, oo masiirka Somaliya ayaa lagaga wada-hadlayaa. Waxaanu u sheegaynaa in Somaliland iyo Somaliya wax isugu hadhay oo aan jiraannimo la’isugu duceeyo ahayni jirin, maxaayeelay Shacabka Somaliland 1991-kii ayuu aayihiisa ka tashaday oo meel lagama guuraan ah oo madax-bannaaniya ku hubsaday.

Ugu dambayntii waxaan kula talin lahaa Ina Cabdirashiid Cali Sharmaarke, in uu  siyaa sadiisa meelaha looga baahan yahay ku jiheeyo. Waayo, wax-badso wax-beel ayay  d hashaaye. Waxaan ku dhamayn lahaa: wiilyahaw inta aad Somaliland ku soo  riyoona yso, waxaa kula gudboon inaad dantaada habawga ku jirta meel ku hubsatid, oo  aan ad ku habsaamin fikradaha madhalayska ah ee aad la baxaa-degayso.
 

 

 


Allaa Mahad leh.
Xogayaha Guud Ee Xisbiga UDUB
Jaamac Yaasiin Faarax