WARSAXAAFADEED XISBIGA TALADA HAYA EE UDUB
Xisbiga Dimoqraadiga Ummada Bahooday

PreXafiiska Siyaasada UDUB

Warsaxaafadeed

Ref: Ex/xsu/26/09 Date 13/03/09

Waxa wadanka soo gaadhay 10 – 11 March 09, wufuud kala duwan oo ka kala socday dawladaha deeq bixiyayaasha daneeya geedi socodka Dimoqraadiyada Somaliland. Wufuudaas oo ahaa diplomaasiyiin heer sare ah oo ay ka mid yihiin Safiirada wadamada Sweden iyo Great Britain u kala jooga wadamada Kenya iyo Ethiopia. Wufuudaasi waxay la kulmeen Gudiga doorashada qaranka hay’adda Interpeace iyo Axsaabta siyaada si meel la isula dhigo arrimaha doorashada ee fooda inagu soo haya dhowaan.

Waxanu kala hadalay in Xisbiga UDUB diyaar u yahay doorashada waqti kasta oo Kommishanka Qaranku u qabto inay doorashadu dhacdo, iyo inaanu haba yaraatee marna ka codsan Kommishanka qaranka in la kordhiyo waqtiga doorashada..

Waxanu u sheegnay in dib u dhaca doorashada ay noo sababeeyeen gudiga doorashada qaranka iyo deeq bixiyayaashuba, xisbiyadana ku booriyeen inay la yimaadaan isu tanaasul iyo wada tashi (Consensus), si loo dhammaystiro farsamo ahaan iyo maaliyada ahaan wax yaabaha u dhiman in doorashadu qabsoonto waqtiga kooban ee Kommishanku qabtay.

Diplomaasiyiintu waxay farriin cad gaadhsiiyeen Xisbiga Mucaaradka ee Kulmiye una soo jeediyen inuu noqdo macquul, kuna xisaabtamo waaqiciga muujiyana isu tanaasul, nadad gelyadana dalkana aanay khalkhal gelin.(Reasonable and compromise). Maadaama Xisbiga Kulmiye yahay Xisbiga keliya ee diiday inuu saxeexo muddo soo jeedintii Komminshanka doorashooyinka qaranka.

6 April 09 ee ay inta badan Xisbiga Kulmiye ka hadlayo in la bedelo madaxweynaha; madaxweynaha dalku waxu ku yimaadaa doorasho toos ah, waxana lagu bedeli karaa doorasho toos, waana arrin distoorka ka baxsan in dalka loo dhiibo cidaan doorsaho toos ah ku iman. Siyaasada Somaliland waa ka kortay in lagaga arrinsado shir beeleedyo iyo gobolaysi, waxayna u gudubtay nidaamka xisbiyada bdan oo ku tartama hogaanka dalka, si hufan oo dimoqraadi ah.

Sida la wada og yahay waxa heshiis la wada saxeexay dhwexmaray 09 June 08, saddexda Xisbi qaran iyo komishanka oo ah in haddii doorasho qabsoomi weydo waqtigii la isla qaatay, ay duruufo dib u dhac ku yimaaddo doorashada inay dib uga wada tashadaan saddexda xisbi qaran iyo komishanka, waqtiga ay isla gartaana loo gudbiyo guuritda oo aanay waxba ku dari Karin. Qodobkaas oo lagu xadidayey awooda Guurtida waxa maalintaa dareen shaki leh ka muujiyey Xisbiga Kulmiye oo cabsi ka qabay in guurtidu arrinta meel sare ku laasho, laguna raali geliyey in awooda Guurtida lagu koobo waqtiga saddexda xisbi iyo komishanku isla gartaan. Haddaba waa yaabe Xisbiga Kulmiye oo guurtida ku sheegi jirey inuu yahay gole ku dhisan qayrul dastuuri goormuu u macaanaaday??

Arrin kasta oo ku saabsan ka tashiga doorashada waa mi d u taal saddexda xisbi qaran iyo Komishanka qaranka. Xisbiga Kulmiye waxanu u soo jeedinaynaa inay aqbalaan maalinta doorashada loo qabtay, waxii kalena la isaga yimaado sidii ballanku ahaa oo laga wada tashado.

 



Allaa Mahad leh.
Cumar Jaamac Faarax
Guddoomiyaha Siyaasada Xisbiga UDUB