War-Saxaafadeed
Date: 11/02/2011
Baahida ugu wayn ee uu maanta dalkeenu u ooman yahay waa aqoonsi uu
ka helo caalamka Umm ada Reer Somalilandna waxay xukuumadooda
u igmadeen inay Beesha caalamka ka raadiso Ictira afka kuna
soo bandhigto qadiyadeena fagarayaasha caalamku isugu imanayo.
Todobaadkii ina dhaafay waxaa lagu qabtay magaalada landon ee cariga
ingiriiska shir ay ka soo qayb-galeen dawladaha ee daneeya arinta
Somaliya Sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Sw edan,
Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ururka Midowga Afrika iyo Hay’addo
kale duwan. Iyo wadamada mandaqadda aynu ku nool nahay ee ay arimaha
somaliya ka socdaa ku leedahay saa maynta tooska sida
Itopiya,Somaliland,Kenya iyo Uganda.
Shirkaasi ma ahayn mid la isugu keenay kooxaha Somaliya laguna
heshiisiinayo ama dawlad loogu dhisayo sida shirarkii Adis Ababa
Carta , Imbagati ,Ildooreed, iyo kii u dambeeyay ee Jabuuti , shir
kaasi Somaliland waxa loogu marti qaaday si madaxbanaan oo la mid ah
sida ay uga soo qayb gal een Dawladaha kale ee Daneeya arimaha
ka socda mandaqan Geeska Afrika.
Tallaabadani waxa ay ahayd Fursad qaali ah oo aynu helay si aynu ugu
soo bandhigno qadiyadee na,waxa aynu qabsanay , iyo culayska
iyo saamaynta ay inagu hayso qalalasaha ka taagan Somli ya oo
aynu gacan qabasho uga baahanay beesha caalamka sidii aynu isaga
moosi lahayn dhibaa tadooda ,xalna loogu heli lahaa
mushkiladooda.
Wasiirka Arimaha dibada Dr Maxamad Cabdilahi oo shirkaa ka qayb
galayna wuxuu gudanayay wa ajibkiisii shaqo ee uu uxilsaaraa
ummaduna waaanan ku bogaadinayaa.
Xisbiyada mucaaaraadka ah loogama fidhiyin inay abuuraan xaalado aan
jirin oo bulshada lagu ma jaro habaabinayo, laguna wiiqayo
midnimadooda isla markaana lagaga been sheegayo ujeedada ay beesha
caalamku ka lahayd qabashada shirkaas .
Xilligan oo Deegaano dalkeena ka mid ah ay ka dhisaalan tahay colaad
ay ka huriyeen kooxo naba diid ah oo cadaw ku ah jiritaanka
Somaliland iyo nabad kuwada noolanshaha shacabka reer Somali
anad, ummaduna ay meel uga soo wada jeedo shaqaaqadaas iyo gurmadka
abaarta baahsan ee dalka ka jirta. Arimahaas oo ubaahan in lagaga
baxo midnimo iyo wadajir.
Xukuumadaydu waxa ay aaminsan tahay kuna hogaamisaa dalka dhaqankii
aynu ku soo caano ma alay ee ahaa wada tashiga sidii aanu
shalayba ugu yeedhanay madaxda xisbiyada , madax dhaq ameedka
iyo wax garadka bulshada , mana jirto wufuud caalamka ka timi oo
codsatay una socotay inay la kulllanto xisbiyda mucaaraadka oo la
iska hortaagay
Ugu dambayn aniga oo ku aamanaya shacabka Somaliland dareenka
wanaagsan iyo midnimada ay ku garab taagan yihiin qaranimada iyo
dawladnnimadeena waxaan ugu baaqayaa inay ka feejigna adaan
wax kasta oo wadajirkiina wiiqaya.
Midna waa iga xasuusin Xukuumada Somaliland sinaba uga qayb galayso
shirarka lagu mijo xaabi nayo qaranimada Somaliland ninka ku
eedeeyaana waa nin isyeelyeelaya dafirsan taariikhda waxa anse
ku kalsoonahay inuu shacbigaygu ogyahay .Xisbiyada qaranka iyo
madaxdoodana waxaan usoo jeedinayaa inay bisayl siyaasadeed u
yeeeshaan ka midho dhalinta qadiyada Somlalianad iyo sida uu
dalkeenu uga heli lahaa aqoonsi buuxa beesha caalamka.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|