Warsaxaafdeed ay soo
saareen gudiga dhex dhexaadinta khilaafka
siyaasadeed
Guddiga Dhexdhexaadinta
Khilaafaadka Siyaasadeed ayaa saaka kulamo kala duwan la yeeshay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin
iyo guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarad mudane Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo) iyo mudane Faysal Cali-waraabe.
Kulamadaas oo socday intii u dhexaysay 9:30 - 12:30 duhurnimo ee
maanta waxa lagu kala qabtay xarunta Madaxtooyada oo ay kula kulmeen
Madaxweynaha iyo xarunta Komishanka Doorashooyinka oo lagula kulmay
Axmed-Siilaanyo iyo Faysal Cali-waraabe oo ay wehelinayeen labadooda
ku xigeen Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed-rashiid Sheekh Xasan.
Kulamadaas oo ku saabsanaa tabashooyinka iyo arrimaha dhinac kastaa
ahmiyadda saarayo, iyagoo saldhig uga dhigaya duruufaha dalka ka
jira, aragtiyaha iyo ahmiyadda doorashada beesha caalamku siinayso.
Natiijada kulamadaas waxa xuddun u ahaa in Guddiga Dhexdhexaadintu
tixgeliyo arrimaha gundhigga u ah khilaafaadka siyaasiga ah.
Allaa Mahad leh
Guddiga Dhexdhexaadinta Khilaafaadka Siyaasadeed
|