Madaxweynaha Somaliland oo Maanta La Kulmay Wefdi ka socda Safaarada Ingiriiska ee Itoobiya

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta uu xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefdi ka socda Safaarada Ingiriiska u fadhida Caasimada Itoobiya ee Addis ababa.

Wefdigaasi oo uu hogaaminayo Safiir ku xigeenka Safaarada Ingiriiska ee Addis ababa Mr John Marshal waxa ay booqasho kooban ku yimaadeen Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha iyo wefdigaasi ka socda Safaarada Ingiriiska waxa ay si qoto dheer uga wada hadleen budhcad badeeda ku soo korodhay mandaqada Geeska Afrika oo saamayn ku yeelatay wadamo badan oo ay ka mid tahay Somaliland.

Mudane Daahir Rayaale Kaahin isaga oo ka waramaya tallaabooyinka ay xukuumadiisu ka qaaday sidii ay wax uga qaban lahayd budhcad badeeda ka qawlaysata bada Cas ee ku beegan marinka Cadmeed, waxa uu sheegay in hadda ka hor Jamhuuriyadda Somaliland ay ka qabatay xuduudaheed badda cas dad budhcad badeed ah, kuwaasi oo la hor keenay Maxkamadaha , haddana qaarkood ay ku jiraan xabsiyada markii lagu helay dambiyada ay galeen.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu wefdiga u sheegay in mar walba xukuumad iyo shacbiba ay ka go’an tahay la dagaalanka budhcad badeeda xeebaheeda badda cas ku beegan, isla markaana waxa uu tibaaxay in Somaliland oo ah wadan curdin oo aan kaalmo ka helin dalalka caalamka in uu u baahan yahay in caalamku ka taageero sidii uu ula dagaalami lahaa ka hor taga budhcad badeeda, haddii ay noqon lahayd qalabka la adeegsado iyo dhaqaalaba, taasi oo maslaxad iyo dan weyni ay ugu jirto Somaliland iyo caalamka intiisa kaleba.

“Waxaanu diyaar u nahay in aanu kala qayb galno iskaashiga caalamku ay ka yeelanayaan la dagaalanka budhcad badeeda intii hadba awoodayadu ay na gaadhsiiso, hase yeeshee waxa lagama maarmaan ah in wadamada adduunku oo Ingiriisku ka mid yahay in aanu taakulayn ka helno sidii aanu arrintaasi ugu guulaysan lahayn, waxaanuna ka xunahay in caalamku had iyo jeer nagu qiimeeyo , nagalana mid dhigo Soomaaliya, iyada oo Somaliland ay tahay dal ka gooni ah Soomaaliya, kalana soo noqotay Madaxbanaanideeda muddo 18 sanadood laga joogo” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynaha iyo wefdigu waxa kale oo ay isla soo qaadeen arrimaha siyaasada ee Jamhuuriyada Somaliland heerka ay maanta taagan yihiin, Madaxweynuhu isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu wefdiga u sheegay in xukuumadiisa ay ka go’an tahay in ay dalka ka qabsoomaan doorashooyin xor oo xalaal ah oo la mid ah kuwii hore wadanka uga qabsoomay intii uu talada hayay, waxana Madaxweynuhu wefdiga u sheegay in dib u dhaca wakhtigii doorashada ay dhici lahayd aanay xukuumadu masuul ka ahayn , hase yeeshee ay keeneen arrimo farsamo iyo qaraxyadii argagaxiso ee dalka ka dhacay.

“Waxaanu mar walba diyaar u nahay in aanu dhawrno xeerka iyo dastuurka qaranka, anaga oo tix-gelinayna go’aamadii ay wakhtiga doorashada ka gaadheen Golaha Guurtida iyo Komishanka doorashooyinku” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu carabka ku dhuftay in uu jeclaa 29 March ee Bishii ina dhaaftay in aanay doorashadu qabsoonto, hase yeeshee aanay taasi suurto gelin, sababo farsamo darted, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu kula taliyay in Asxaabta Mucaaridkuna ay qadariyaan una hogaansamaan dastuurka xeerka iyo qawaaniinta dalka u yaala.

Mr John Marshal oo isaguna hadal kooban halkaasi ka jeediyay waxa uu sheegay in xukuumada dalka Ingiriiska ay diyaar u tahay in ay Somaliland ula dhaqanto wadan ka duwan Soomaaliya, waxna kala qabato arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhinaca Nabad gelyada iyo xasiloonida uu dalkani ku caano maalay, waxana uu tibaaxay in dawladiisu ay hor dhigi doonto shirarka soo socda ee caalamka kaga tashan doono sidii wax looga qaban lahaa budhcad badeeda, shirarkaasi oo ay ka mid yihiin shirka lagu qaban doono Baxrayn dhawrka toddobaad ee soo socda, waxyaabaha Somaliland ay ka qabatay la dagaalanka budhcad badeeda iyo baahida ay u qabto in laga taageero waxyaabo badan oo ay ka mid tahay sidii arrintaasi ay ugu guulaysan lahayd.

Wefdigaasi waxa kale oo ka mid ahaa wakiilka dhinaca Gaashaandhiga u qaabilsan Safaarada Ingiriiska ee Itoobiya, shirkana uu goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibada JSL Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale.

 

 

 


Alla Mahad leh


Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada JSL