War-saxafadeed


 


 

Anagoo tixraacyana maqaalo ku soo baxay wargaysayada jahuuriyada iyo waaheen 26/10/2011 maqaalkaas oo ah mid uu C/rahmaan Cirro ku weeraray saddexda xisbi Qaran isagoo yihdi (qaylada joojiya ) sidii caruur macalin wax barayo

Waxaan Abdirahmaan leeyahay inqilaabkaagu xisbiga UCID buu ku eekaa waxaase muuqata in aad hada isku dayayso inqilaab ku wajahan saddexda Xisbi Qaran ka dib markaad shaadh ku leeg oo dantaada ah ka tolatay xeer No:14/2011 qodobkiisa 25aad si aad kursiga gudoomiye nimada golaha wakiilada ugu sii fadhidid


Saddexda xisbi Qaran hadi ay ku yidhahdeen qodobkaasi waxa uu ka hor imanyaa distoorka qaranka waxii ka hor imanayaana ay yahiin waxba kama jiran oo aad taa ku fashilanttay in aad waafajiso xeerarka aad samaynayso distoorka Qaranka ma waxay isu badashay in aad noqotid macalin saddexda xisbi samuurad wax ugu dhigaya oo ku yidhaa qaylada joojiya.

Dalka aad doonayso in aad sharcigiisa iyo distoorkiisa aad sidaa doonto in aad u dhigto wax uu dhisimahiisu hogaaminta iyo distoorkiisuba ku fadhiyaan Xinjiro dhiiga Kumayaalbana u God Galay.Afwayne oo soddon sanadood dawladii ugu xooga roonayd Africa haystay ayey u suuro gali wayday waaba se adigoo golaha wakiilad uun fadhiyaha oo shalay uun dibada dalka kaga yimid.


Waxaaunu ku leenahay lagama yaabio in aad dastuurka qaranka iyo axsaabta qaranka midna ba aad wax yeelayso ee waxaanu kugula talinaynaa in aad cagadhigato tartanka aad sheegaysana u marto dariiq sharci ah



Somaliland ha noolaato


Allaa mahad leh


Mohamed Hassan Khaire (shabaash)