Wasaarada Arimaha Qosyska oo Somaliland oo ku ku lan ku saabsan ka hortaga Tacadiyada Xuquuqda H aweenka ku qabatay Magaalada Laasccaanood

 

Shirkan oo ay ka soo qaby galeen dhamaan qaybaha bulshada masuuliyiinta gobolka heer degmo iyo mid gobol ayaa maanta ka dhacay xarunta maamulka gobolka waxaa shirkan ama xuska soo qaban qaabisay Wasaarada Arimaha, qoyska iyo horumarinta bulshada ayna maalgaliyeen hay,ado caalami ah waxaa lagu lafa guray tacadiyada ka dhanka ah bini aadamka iyo xuquuqda qofku leeyahay gaar ahaan haweenka oo ah  ku wa u nugul tacadiyada ay inta badan kala kulmaan bulshada dhexdeeda.


waxaa ugu horayn shirka ama xuska maalintan lagu furay sida caadad ah ayaadaha quraanka kariimka waxaa lagudo galay furitaankii shirka waxaana furtay Shukri Aadan Bulaale oo ah isuduwaha wasaarada qoyska iyo horumarintaa bulshada gobolka sool waxayna xustay in maalinta ay farxad u tahay gobolka sool in looga dabaaldego.


Sidoo kale waxaa ka hadlay dhamaan masuuliyiintii halkaasi ka soo qayb gashay iyo ururada bulshada ee ka soo qayb galay xuska maalintan.


ugu danbayntii waxaa maalinta xuquuqul insaanka ama tacadiga laga xusay dhamaan daafaha caalamka iyadoo inta badana lagag hadlo xaquuquda qofku leeyahay.


 


Timacade News Network
Lasanod Office
Email:qanciye_ciise@hotmail.com